4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 31, 2013
Bandhig Suugaaneed loogu magac daray "Somali Week Festival" oo lagu soo gabagabeeyey London

Khamiis, Oktoobar 31, 2013 (HOL) - Waxaa magaalada London lagu soo gebagebeeyey bandhig loogu magac daray "Somali week festival (SWF)". Bandhigaas oo sannad walba la qabto ayaa waxaa uu socday Jimcihii 18-ka ilaa 27-ka Oktoobar, waxaana lagu dhigay xarunta Oxford House ee bariga London. Barnaamijkaas oo ay isla qabanqaabiyaan ururada Kayd Somali Arts and Culture iyo Redsea-Online and Cultural Foundation  ayaa sannadkan martidii lagu casuumay waxaa ka mid ahaa madaxa Akademiy Goboleedka Afka soomaaliga Dr. Maxamed Daahir Afrax, Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame “Hadraawi”, Abwaan Xasan Xaaji Cabdullaahi “Ganey” Macallin Saciid Saalax Axmed, Dr. Cabdirashiid Ismaaciil, fannaanadda Hibo Nuura, Dr. Bashiir Goth, abwaan Faarax Gamuute iyo aqoonyahanno kale oo farabadan.

Barnaamijka oo lagu soo bandhigay buugaag, gabayo, heeso, sheekooyin, cilmibaarisyo, doodo ku saabsan arrimaha bulshada. Iyadoo aanay inuu suurtooban in maqaal kooban lagu soo qoro barnaamijka todobaadlaha ah, balse wuxuu Hiiraan Online idiin soo xulay sedexdan qodob.

1. Ergo ka socotay Akademiyad Goboleedka Af soomaaliga (AGA) oo uu hoggaaminayey madaxa AGA Dr. Maxamed Daahir Afrax oo isagoo ku hadlaya magaca ergadaas iyo kan AGA sheegay in ay sidaan dhanbaal ah in dhowridda iyo daryeelka afka hooyo bulshadu ka wada qeyb qaadato, Afrax wuxuu yiri “waxaan idiinkugu nimid wargelin iyo la tashi, maxaa yeelay mas’uuliyiinta AGA keligood waxba ma qaban karaan haddii aanay wada shaqeyn la lahayn ummadda soomaaliyeed meel walba ay joogaanba”. Dhanka wada tashigana waxay talo bixin ka dhegeysteen ka soo qeybgalayaashii barnaamijka iyo aqoonyahanno ay gooni gooni ula kulmeen. Akademiyaddan waxa ay hadda leedahay guddi iyo xarun ku meel gaar ah oo ah magaalada Jabuuti. Ergadu waxay u mahadnaqeen madaxweynaha iyo dawladda Jabuuti oo taageero hiil iyo hooba leh la garab istaagay ilaa markii lagu dhawaaqay AGA.

2. In lagu xusay bandhigaas Somali Week Festival 50 guurada inta uu bare yahay abwaan/macallin Saciid Saalax Axmed oo isaga iyo kooxda Iftiin ay wacdarro ku soo bandhigeen. Macallin Saciid wuxuu la wadaagay ka soo qeyb galaashii waayihiisii barenimo siduu ku bilaabay ilaa iyo maanta oo uu afka soomaaliga ka dhigo jaamacadda Minnessota.   Kooxda Iftiin intooda joogta Europa ayaa iyagoo weynaynaya macalinkooda ay soo bandhigeen barnaamij aad looga maqsuuday.

3. Bandhig buuga HADRAAWI THE POET AND MAN oo lagu soo aruuriyey qaar ka mid ah gabayada Abwaan Maxamed Warsame Ibraahim Hadraawi af soomali iyo afka ingiriis si cilmiyesan oo suugaani ku dheehan tahay loogu tarjumay. Bandhiga oo ay Hadraawi iyo W N Herbert ay si talantaali ah af Somaali iyo Ingiriis ay ku tirinayeen tix ka mid ah buuga SIRTA NOLOSHA ka mid ah buuga. Habeenkan oo soo jiitay dad badan oo u dhashay wadanka ingiriiska ayaa noqoatay wax lagu faano maddaama sugaanta ay gaadho adduunweynaha. Waxaa isla habeenkaas soo banghigay mid ka mid ah sugaantii Hadraawi Jaceyl Dhiig Ma Lagu qoray Martin Orwin oo Soomaali iyo Ingiriisba ah.

Jaamac Muuse Jaamac oo aan weydiiyey tariidkhda barnaamijka wuxuu ku jawaabayay. “In lixdii sanno ee la soo dhaafay barnaamijkani si xiriira ah u socday ujeedadadana tahay inuu noqdo madal ay ku kulmaan bukshada iyo halabburayaasha Soomaliyeed ha noqhdeen Abwaaniin, Qorayaal, iyo Fanaaniiin..Sannadkana loogu dhigay cinwaan Socadaal ama geedisocod. Jamaac wuxuu u hanbalyey dhamaan dhalinyadii waqtigooda huray oo ka qeybqaatay habsami u qabsoonka Barnaamijka iyo dadweynihii sida doorka oo mugga leh uga soo qeyb qaadatay”

Ayaan Maxamuud Maxamed iyo Jaamac Muuse Jaamac oo iyagu ah qabanqaabiyaasha barnaamijka Somali Week aadka u xiisaha badan ayaa loogu hambalyeeyey sida quruxda badan ee ay u soo qabanqaabiyaan sannad walba, waxaana loo ballansan yahay sannadka dambe haddii Alla yiraa.

Hashim Duale
[email protected]