4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 31, 2013
596 arday oo ka qalin jebiyay kuliyadaha kala duwan ee Jaamacadda Bariga Afrika Qaybteeda Magaalada Boosaaso (SAWIRRO)

Khamiis, Oktoobar 31, 2013 (HOL) — 596 arday oo labadii sano ee ugu dambeeyey ka baxay kulliyadaha kala duwan ee Jaamacadda Bariga Afrika, ayaa maanta waxaa xaflad ay ku qalin jabinayeen oo aad u ballaarneyd loogu qabtay hoolka jaamacadda ee magaalada Boosaaso.

Xafladda qalin jebinta oo ahayd mi si weyn loo soo agaasimey, islamarkaana ay kudhowaad kun qof kasoo qayb galeen, waxaa ugu horeyn ka hadlay guddoomiye ku-xigeenka Jaamacadda Shiikh Maxamed Macalin, isagoo uga horeyn hambalyo u diray ardayda si weynna ugu mahadceliyey dadka xafladdaas kasoo qayb galay.

Guddoomiyaha Jaamacadda Bariga Afrika Prof  C/risaaq Hiirad Maxamed oo intaas kaddib hadalka qaatay ayaa isna hambalyo u diray ardayda qalin jebisey, islamarkaana si kooban uga sheekeeyey taariikhda jaamacadda iyo weliba heerarkii kala duwanaa ee ay soo martay.

Shamso Muuse Koonte oo iyaduna ah guddoomiyaha waxbarashada gobolka Bari -kana mid ahayd mas'uuliyiintii dowladda ka socdey ee xafladdaas kasoo qayb galay- ayaa ardayda kasoo baxa dugsiayda sare ee Puntland ugu baaqday in ay wax ka bartaan jaamacadaha dalka, oo sida ay tilmaantay tayo ahaan u dhigma kuwa dibadda.



Guddoomiyaha rugta ganacsiga iyo wershedaha ee Puntland, Siciid Xuseen Ciid ayaa isna ardayda qalin jebiyey ugu baaqay in aysan diiradda saarin shaqooyinka dowladda, hay'adaha iyo shirkadaha ganacsiga, balse ay isku dayaan in ay la yimaadaan hal abuur cusub ayna sameystaan ganacsiyo ay iyagu gaar u leeyihiin.

Intaas kaddib guddoomiyaha jaamacadda ayaa natiijooyinka ardayda qalin jibeyey iyo macluumaad kale oo la xiriira waxbarashadooda, wuxuu ku wareejiyey guddoomiyaha golaha sare ee maamulka Jaamacadda Bariga Afrika Aadan Sheekh Doon.

Sheekh Faarax Cajam oo ahaa ardayga ugu weyn kuwa maanta qalin jebiyey, ayaa ugu dambeyntii ka sheekeeyey waayihiisii xilligii uu ardayga ahaa, isagoo ku booriyey dadka waaweyn in ay wax bartaan oo aysan ka xishoon in dhalinyaro aad uga yaryar ay dhex galaan.
     
Waa dufcaddii 13-aad ee ka qalin jebisa kulliyadaha kala duwan ee jaamacdda bariga Afrika oo ah midda ugu ballaaran deegaanada Puntlan, laga soo bilaabo markii dhidibada loo taagey sanadkii 1999.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Boosaaso, Puntland