4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 31, 2013
CABDISAMAD CALI SHIRE: "Waa Qaran-dumis Musharraxiinta dhaleeceynta u soo jeedinaya Safarkayga Degmada Taleex"


Khamiis, Oktoobar 31, 2013 (HOL) —Madaxweyne ku-xigeenka Puntland C/samed Cali Shire oo maanta shir-jaraa'id ku qabtay degmada Taleex ee gobolka Sool, ayaa ka jawaabay eedeyn ay dhowr bari kahor u jeediyeen qaar kamid ah musharraxiinta u tartami doona madaxtinimada Puntland, marka la gaaro horraanta sanadka soo socda ee 2014.

Shirkiisa jaraa'id wuxuu madaxweyne ku-xigeenku kaga hadlay arrimo badan, waxyaabaha uu soo hadal qaaday waxaa kamid ahaa booqashada uu ku joogo gobolka Sool, oo qaar kamid ah musharraxiintu ay tilmaameen in ujeedada laga leeyahay ay tahay in layska horkeeno bulshada gobolka, islamarkaana gobolka qas iyo nabadgelyo xumo laga abuuro.

C/samed Cali Shire oo taas ka jawaabaya ayaa sheegay in ujeedada booqashada isaga iyo wefdiga uu horkacayaa ay gobolka Sool ku joogaani ay tahay mid iska cad, sidoo kale musharrixiinta warkaas sheegay ayuu ku tilmaamay inay yihiin qaran-dumis, islamarkaana ay ujeedooyin siyaasadeed ka leeyihiin

"Waxan nasiib-darro weyn u arkaa rag musharraxiin ah ayaa waxay wax ka sheegayeen booqshadeena...waxan is leeyahay waa arrin aan meesha qaban, waa hadal af ka weyn, waxan leeyahay dastuurka dib ha loogu noqdo, waxa uu ina farayana aan ku dhaqanno..."  Isagoo sii hadlaya wuxuu yiri "marka la ceebeeyo ama la eedeeyo booqasha ay dowladdu deegaanakan ku timid [waqooyiga gobolka Sool] waxay ila tahay ninka taas dhaleecaynayaa waxa weeye nin qaran dumis ah..."

Dhinaca kale, madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayaa sheegay in degmada Taleex aan wax shir ah lagu qaban doonin, kaddib markii dhowaan la shaaciyey in degmadaas uu ka furmay shir-weynihii saddexaad ee beelaha gobolka ee Khaatumo3.

"Halkan wax shir ah oo lagu qabanayaa ma jiro, wax ka socdaana ma jiro...umadda yaan la weyraxin yaan la luggoyn yaan been loo sheegin...shir ka dhacaya Taleex ma jiro haba yaraatee umadduna yay isku soo luggoyn" C/samed Cali Shire ayaa yiri.

Booqashada madaxweyne ku-xigeenka Puntland ee degmada Taleex - oo asal ahaan uu kasoo jeedo- waa tii labaad ee uu muddo labo bilood gudahood ah ku tago, waxayna kusoo aadeysaa xilli uu herdan siyaasadeed oo xooggani Puntland ka jiro, dhowaanna ay doorasho ka dhici doonto.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Boosaaso, Puntland