4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 31, 2013
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Wafdi ballaaran oo uu Hoggaaminayo oo si Weyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Kismaayo

Khamiis, Oktoobar 31, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, booqashadan oo noqonaysa tii ugu horreysay oo uu madaxweynuhu ku tago magaaladas.

Socdaalkan ayaa waxaa madaxweyaha ku wehlinaya xubno uu ka mid yahay wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka, Cabdikariin Xuseen Guuleed, iyadoo si weyn loogu soo dhaweeyay wafdiga madaxweynaha Kismaayo.

“Wafdiga madaxweynaha si sare ah ayaa loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Kismaayo, waxaana uu salaam-sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidamada xoogga dalka,” ayuu warbaahinta u sheegay afhayeenka madaxtooyada, Inj. C/raxmaan Yariisoow.

Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in madaxwenaha iyo wafdigiisa ay la qaadan doonaan kulammo madaxda maamulka KMG ah ee Jubba oo uu ugu horreeyo hoggaaminaya maamulkaas Sh. Axmed Maxamed Islaam (Sheekh Axmed Madoobe).

Ammaanka magaalada Kismaayo ayaa aad loo adkeeyay, iyadoo jidadka ku yaalla bartamasha magaaladaas lagu xardhay sawirka madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Boqolaal dadweyne ah oo isugu jira haween, rag iyo waayeel ayaa ka qayb-qaatay soo dhaweynta madaxweynaha kuwaasoo qaarkood garoonka ay ku suganayeen, iyagoo ku dhawaaqayay erayo lagu soo dhaweynayo wafdiga uu hoggaaminayo madaxweynaha Soomaaliya.

Wixii warar ah ee kusoo kordha booqashadan kuwa soco wararkeenna dambe haddii Alle ogolaado.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya