4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 31, 2013
Xisbiga KULMIYE oo Guddigii Qaban-qaabada shirweynaha Xisbiga ay u kala jabeen laba garab iyo sababtii Khilaafka Keentay

Khamiis, Oktoobar 31, 2013 (HOL) — Guddiga qabanqaabada shirweynaha xisbiga Kulmiye ayaa laba garab u kala jabay ka dib markii ay sameeyeen loolanka adag ee ka dhexeeya gudoomiyaha xisbiga kulmiye Muuse Biixi iyo wasiirka Maaliyadda Cabdicasiis Samaale oo ku tartamaya gudoomiyenimada iyo musharaxnimada xisbiga shanta sanadood ee dambe.

Guddigan qabanqaaabadda oo ka kooban 27 xubnood ayaa shalay qayb ka mid ahi dooratay hogaan cusub, halka garabka kale ku doodeen inay hore gudoomiye u doorteen.

Guddoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga Jaamac Shabeel ayaa sharci daro ku tilmaamay kooxda dooratay hogaanka cusub, kuwaas oo uu ku sheegay inay jabiyeen dastuurka kulmiye, isla markaana ugu baaqay hogaanka xisbiga inay talaabo ka qaaddaan.

Xildhibaan Ibraahim Axmed Haybe ayaa isna sheegay inay hore guddida qabanqaabada shirweynuhu ugu doorteen gudoomiyenimo ka dib markii uu noqday xubinta ugu da’da weyn, isla markaana uu isagu yahay gudoomiyaha sharciga ah ee guddidaaasi.

Hase yeeshee garabkan taageersan wasiir Samaale oo ka kooban 15 xubnood ayaa doortay hogaankoodii, waxaanay  Guddoomiye u doorteen Abubakar Xaamud Jibriil, Guddoomiy ku-xigeenna Xildhibaan Saleebaan Cabdi Cali Bukhaari, halka Xoghayaha Gudigga loo doortay Xoghaye C/raxmaan Maxamuud Caraale, halka Af-hayeen loo doortay Sahal Maxamed Jaamac.

Si kastaba ha ahaatee, loolanka loogu jiro hogaanka xisbiga kulmiye ayaa baryahan dambe si xoogle usoo shaac baxay ka dib markii uu soo dhowaaday shirweynaha 3aad ee xisbigaasi oo dhici doona 25 December ee sanadkan, waxaana dhowaan shir ay guriga madaxweyne ku xigeenka ku yeesheen guddida fulinta ee xisbiga kulmiye qorsheeyeen inay shirweynahaasi ergooyinka ka soo qaybgalaya tirooddu noqoto 801 ergay, kuwaas oo dooran doono golaha dhexe, guddida fulinta iyo hogaanka sare ee xisbiga ee shanta sanno ee soo socota.

Labadan mas’uul ee ugu cad cad ololaha loogu jiro gudoomiyenimadda xisbiga  ayaa kala ah gudoomiyaha hadda ee Muuse Biixi iyo wasiirka Maaliyadda Cabdicasiis Samaale oo loolan adag ka dhexeeyo, waxaana gudoomiye Muuse magacaabay 27 xubnood oo guddida qabanqaabada shirweynaha ah, kuwaas oo soo xuli doono ergooyinka iyo qaabka uu shirkaasi u dhacayo, haseyeeshee wakhtigii uu gudoomiyuhu magacaabay guddida qabanqaabada waxa Xajka ku maqnaa Cabdicasiis Samaale oo ah ninka uu tartanku ka dhexeeyo, taasi waxay keentay khilaaf inkastoo markii dambe la xaliyey, isla markaana wasiir Samaale sheegay inuu ku kalsoon yahay guddidan.

Loolankan labada garab u kala jabiyey guddidii qabanqaabadda ayaa saameyn ku yeelanaysa xisbiga kulmiye, kuwaas oo suurtogal ah in xisbiga laftiisu laba garab kala noqdo,isla markaana ku kala ragti duwanaadaan xalinta guddidan qabanqaabadda.

Garabkan Samaale taageersan ayaa gudoomiye u dooratay Abubakar Xaamud oo ah xubin uu watay madaxweyne ku xigeenka Cabdiraxmaan Saylici oo isagu laftiisu ka mid ah hogaanka sare ee xisbiga, isla markaana door weyn ku leh xisbiga kulmiye oo maalmihii u dambeeyey shir doceedyadu ka socdeen gurigiisa, inkastoo markii hore madaxweyne ku xigeenku la safnaa gudoomiye Muuse, hadase waxay u muuqataa inay wax isbedeleen oo dhinaca Samaale uu u badan yahay.

Madaxweyne Siilaanyo ayaan isagu si toos ah usoo dhexgelin  loolanka xisbigisa ka jira, haseyeeshee waxa iska cad inay xukuumadu intooda badan taageersan yihiin wasiirka Maaliyada Samaale, halka wasiiraddii hore ee xilalka laga qaaday iyo madaxa xisbiga kulmiye taageersan yihiin gudoomiyaha hadda ee Muuse biixi.

Wasiirka Samaale oo siyaasadda ku soo biiray wakhtiyadii Xisbiyada laga hirgeliyey Somaliland ayaa ahaa wadaad imaam ka ahaa masaajid ku yaalla magaaladda Hargeysa, waxaana inta badan uu taageero ka helaa wadaadda, halka gudoomiye Muuse Biixina uu ka mid ahaa jabhaddii SNM, isla markaana uu taageero ka haysto dhinaca saraakiishii SNM ee siyaasyiinta noqday.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa diidan inuu khilaaf cusubi soo kala dhexgalo xisbigan, isla markaana aan doonayn inuu soo farogaliyo, maadaama oo duufaano siyaasadeed u kacsan yihiin, sidaa darteed aanu ogoleyn in xisbigiisa kaga soo baxaan duufaano kale.

Xisbiyada mucaaradka ayaa iyaguna si gaar ah ula socda khilaafka ka taagan KULMIYE, waxaanay hore u  sheegeen inay diyaariyeen naxashkii lagu qaadi lahaaa xisbigaasi, isla makaana ka daba tagi doono xisbigii weynee UDUB oo sidan oo kale khilaaf siyaasadeed uu reebay. Haseyeeshee dhawr jeer oo ay hadleen madaxda xisbiga iyo madaxweyne Siilaanyo sheegeen in aanu kulmiye burbureyn, isla markaana uu yahay xisbi dimuqraadi ah oo lagu kala afkaar duwan yahay.

Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online 
[email protected]
Hargeysa, Somaliland