4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 31, 2013
Odayaal iyo Waxgarad soo dhaweeyay dib u Howl-gelinta Xafiiskii Hay’adda CRD ee Magaalada Beledweyne (SAWIRRO)


Khamiis, Oktoobar 31, 2013 (HOL) — Tan iyo wixii ka dambeeyay 21-kii June 2008-dii hay’addaha CRD wax howl ah kama aysan qaban guud ahaan gobolka Hiiraan, kadib markii kooxo hubeysan ay toogasho ku dilleen madaxdii hay’adda ee gobolka Eng Max’ed Xassan Kulmiye, waxaana xusid mudan in mudadii ay ka howlgali jirtay hay’adda gobolka wax badan ka qabatay arrimaha la xiriira nabadeynta iyo waliba dib-u-hishiisiin.

Hase ahaateen, hay’adda ayaa si rasmi ah howlaheedii mar kale uga  billowday gobolka Hiiraan 28-kii bisihii aynu soo dhaafnay ee September ee sanadkan 2013-ka, iyadoo durbaba guda-gashay sidii xal loogu heli lahaa xiisado u dhaxeeya beello wada dega qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan mudaba uu khilaaf ka dhax-taagnaa.

Kulan ay ku yeesheen magaalada Beledweyne odayaal, waxgarad iyo aqoonyahanno ayaa lagu bogaadiyay inmar kale hay’adda CRD howlaheedii nabadeynta iyo dib-u-hishiisiinta uga biloowdo gobolka, iyaga oo sheegay in waliba dib u howl-galinta hay’adda ku soo beegantay waqti siweyn loogu baahnaa.

Nabadoon Xassan Kulmiye Waasuge ayaa sheegay in ay bogaadinayaan howlaha hay’adda oo sida uu sheegay lagu xasuusto kaalintii ay ku laheyd nabadeynta iyo dib-u-hishisiinta, isaga oo intaa ku darray in ay ka rajeynayaan mar kale hay’adda in ay halkeedii ka sii wado adeegydii kala duwanaa oo ay bulshada u qaban jirtay oo ay ugu horeyso dib-u-hishiisiinta oo waqtigan loogu baahi badan yahay gobolka.

Bishii September ee ina dhaaftay waxaa ay hay’addu ku guuleysatay in ay meel isugu keento odayaal iyo waxgarad ka soo kala jeeda beello ku dagaallamay deegaannka Kabxanley, kuwaa oo wada hadal dheer kadib kala saxiixday hishiis ka koobnaa dhowr qodob, inkastoo hishiiskaa kadib mar kale uu dagaal dhaxmray labada dhinac.

Mid ka mid ah waxgaradka magaalada oo lagu magacaabo Xassan Oog oo ka mid ahaa xubnihii ka hadllay kulankii lagu taageerayay dib u howlgalinta xafiiskii hay’adda CRD ayaa sheegay in mudadii ay hay’addu ka maqneyd gobolka siweyn loo dareemay adeegyadii kala duwanaa oo ay bixin jirtay, gaar ahaan marka laga hadllayo gacantii ballaarneyd oo ay ka geysan jirtay howlaha nabadeynta, isaga oo sheegay in ay wada shaqeyn buuxda la yeelan doonaan wixii xiligan ka danbeeya xafiiska hay’adda.

Madaxa hay’adda CRD ee gobolka Hiiraan Xassan Cismaan Xuuriye ayaa sheegay in hay’addu ku dhisan tahay mar walba tallada waxgaradka iyo aqoonyahannka Soomaaliyeed oo ay wada shaqeyn buuxda la leedahay, waxaana uu uga mahad celiyay odayaasha, waxgaradka iyo aqoonyahannada gobolka soo dhaweynta ballaaran oo ay u muujiyeen hay’adda.

“Annaga si gaar ah ayeey noo farxad-galineysaa wada shaqeyntiina, waayo hay’adda waxa ay ku shaqeyso waa talladiina iyo hadba soo jeedintii, maxaa yeelay howsha aynu heyno bulshada ayaan u heynaa, sidaa daraadeed suurtagal ma’aha in la’aantii wax badan inoo suurtagalaan, sidaa daraadeed waan idinka mahad celinayaa sida aad u soo dhaweyseen howlaha hay’adda,’’ ayuu yiri Xassan Cismaan Xuuriye.

Wuxuu sheegay in howlaha ugu culus ee xiligan hor yaala la oran karo waa sidii xal kama danbeys ah loogu heli lahaa khilaafka u dhexeeya beellaha wada dega deegaannada Kabxanley iyo Deefow oo ka wada tirsan gobolka Hiiraan, isaga oo u mahad celiyay cid kasta oo ku howlan sidii wax looga qaban lahaa colaada ka jirta deegaannadaas.

“Waxaan is leeyahay howsha ugu culus oo aynu wajaheyno waa sidii aan xal kama danbeys ah uga gaari laheyn colaada soo noq noqatay ee ka taagan deegaannada Kabxanley iyo Deefoow, runtii hadda wada hadalo fiican oo bilow ah iyo qodoba leysla meel dhigay ayaa jira, waana ka mahad celineynaa cid kasta oo gacan ka geysatay sidii loo soo afjari lahaa khilaafka,’’ayuu yiri madaxa hay’adda CRD.

Ugu danbeytii, hay’adda CRD  ayaa lagu xasuustaa [Socdaalkii Nabada] oo ay qeyb ka ahaayeen Ugaasyada gobolka Hiiraan oo lagu soo maray waqtigaa inta badan degmooyinka iy deegaannada gobolka Hiiraan, kaa oo ujeedadiisu aheyd sidii leysugu soo dhaweyn lahaa bulshada ku wada dhaqan gobolka Hiiraan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya