4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 31, 2013
Madaxweynaha Puntland oo Maanta kala diray golihii wakiillada Puntland ee jiray Shantii sano ee ugu dambeysay (SAWIRRO)


Khamiis, Oktoobar 31, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) ayaa kala diray xildhibaanada baarlamaanka Puntland oo maanta oo bisha Oktoobar 31 tahay ay muddada xilkoodu ugu ekayd.

Khudbad uu golaha hortiisa ka jeediyey ayuu kaga hadlay arimo badan, isagoo sheegay in baarlamaanku 5tii sano ee uu jirey uu wax badan qabtay, islamarkaana 9kii fadhi ee uu yeeshay uu xeerar badan ku meel mariyey.

Isagoo si gaar ah ula hadlayey xildhibaanada, wuxuu sheegay in uu rajeynayo qaar badan oo kamid ahi in ay kamid noqdaan xildhibaanada cusub "waxan idiin rajaynayaa markaad deegaanadii tagtaan in odayaashu ay ku qancaan in ay dib idiin soo doortaan.. gacantooda ayey ku jirtaa iyaga iyo bulshada rayidka ah..."

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in baarlamaanka lakala diray uu sii shaqeyn doono inta laga dhaarinayo midka cusub ee ay hadda xulistiiisa socoto, isagoo taas ka hadlaya wuxuu yiri: "xildhibaanadu iyagaa xilka sii haynaya muddada ka hadhay doorashada, xuquuqdii ay lahaayeenna sii lahaanaya inta qolada kale soo dhamaanayso...labo bilood ma badna"

Ugu dambeyntii Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in caawa ay xarunta madaxtooyada ka dhici doonto xaflad ballaran taas oo lagu soo bandhigi doono waxqabadka baarlamaanka la kala diray.

Baarlamanka uu waqtigiisu dhamaaday waxaa la dhaariyey bishii Oktoobar ee sanadkii 2008. Fadhiga ay xildhibaanadu maanta yeesheen ayaa ahaa kii ugu dambeeyey, iyadoo qorshuhu ahaa in uu qabsoomo dhowr maalmood kahor. Kooramka oo buuxsami waayey ayaa ahayd sababta ugu weyn ee dib-u-dhacaas keentay.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Boosaaso, Puntland