4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 31, 2013
Maxkamadda Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo Xukunno ku ridday xubno la sheegay inay Al-shabaab ka Tirsan yihiin

Khamiis, Oktoobar 31, 2013 (HOL) — Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya ayaa maanta xukunno kala duwan ku ridday shan ruux oo la sheegay inay ka tirsanaayeen xarakada Al-shabaab.

Afhayeenka maxkamadda, Col. C/llaahi Maxamed Muuse Keyse oo xukunka kaddib la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in saddex ka mid ah shanta ruux lagu xukumay min 15-sano oo xabsi ciidan ah, mid ka mid ahna hal sano, halka midka kalena la sii-daayay markii wax dambi ah lagu waayay.

“Shan ruux waxaa lagu soo eedeeyay inay ka mid ahaayeen xubnaha ururka Al-shabaab, waxaana afar ka mid ah ku caddaatay dambiyada loo haystay, saddex ka mid ah waxaa lagu xukumay min 15-sano oo xarig ah, mid kalena hal sano, kan kalena waa lasii daayay markii dambe lagu waayay,” ayuu yiri Keyse oo saxaafadda la hadlay.

Eedeysanayaasha la xukumay ayuu sheegay afhayeenka inay ku jireen laba ruux oo da’yar, kuwaasoo lagu kala magacaabo, Ibraahim Cabdi Odawaa oo 16-jir ah iyo C/llaahi Maxamed Iimaan oo 18-jir, kuwaasoo lagu eedeeyay inay bambooyin ku weerar saldhig ciidan oo ku yaalla xaafadda Ciise Cabdi ee degmada Dayniile.

Sidoo kale, afhayeenka ayaa sheegay eedeysane walba oo lagu tumo inuu ka tirsan yahay Al-shabaab la xukumi doono,  wuxuuna intaas ku daray in xukunnadooda ay dhameysan doonaan.

“Xukunnada eedeysanayaashan waxaan u cuskannay shareecada Islaamka iyo sharciyada xeerarka ciqaabta guud ee ciidamada iyo kan dal,” ayuu ku sheegay afhayeenku hadal uu warbaahinta siinayay xukunka kaddib.

Ma sheegin afhayeenku in eedeysanayaashan ay lahaayeen qareenno u dooda, iyadoo xukunkan uu ka mid noqonayo xukunno dhowr ah oo ay maxkamadda ciidamadu ku ridday xubno la sheegay inay Al-shabaab ka tirsanaayeen.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya