4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 31, 2013
Dukaamo Ganacsi oo ay lahaayeen dad Afrikaan oo lagu boobay Magaalada Cape-Town ee Dalka Koonfur Afrika (SAWIRRO)


Khamiis, Oktoobar 31, 2013 (HOL) — Bannaan-bax ballaaran oo ka dhacay magaalada Cape-town ee dalka Koofur Afrika ayaa waxa lagu boobay goobo ganacsi oo ay lahaayeen dad afrikaan ah oo ganacsiyo ku lahaa hareeraha waddooyinka magaaladaas.

Dadka la boobay hantidooda ayaa waxaa ka mid ahaa illaa iyo 15 goobood oo ah miisas ay ku ganacsanayeen dad Soomaaliyeed, halkaasoo uu kasoo gaaray khasaaro bur-bur iyo dhaawacyo loo geystay ganacsato Soomaali ah.

Banaan-baxa ayaa waxa uu ahaa mid ay soo abaabuleen dadka madowga ah ee ku dhaqan xafadaha isku raranta ah ee ku yaalla duleedka Cape-town waxayna uga cabanayeen wax qabad la'aan dhinaca daryeelka ah oo ay ka tabanayeen maamulka gobola Western-Cape.

Dadka banana-baxayay oo tiradoodu ahayd boqolaal ruux oo madow ah oo kasoo dagay tareennada ka yimaada xaafadaha isku raranta ah ayaa waxay soo galeen gudaha magaalada oo si aad ah u camiran; waxayna billaabeen inay boobaan cagtana mariyaan goobaha ganacsi ay leeyihiin Afrikaanka ee ku yaallay hareeraha waddooyinka magaaladaas.

Goobaha kale ee ganacsiga ay leeyihiin dadka Koonfur Afrikaanka ah oo u badan caddaanka ayaa albaabada loo laabay iyadoo laga cabsi qabay inay gudaha u soo galaan oo ay iyagana boobaan, inkasoo ay jireen dukaammo iyo gawaari lala dhacay dhag-xaan iyo ulo oo la bur-buriyay,

Dadka bannaan-baxayay ayaa markii dambe isugu tagay albaabka hore ee xarunta gobolka Western-Cape iyagoo sitay boorar ay ku qoran yihiin ereyo lagu aflagaadeynayo Hellen Zille oo ah gabadha guddoomiyaha ka ah ururka Democratic Alliance (DA), ahna guddoomiyaha gobolka Western -cape oo ah gabar caddaan ah oo inta badan lagu yaqaanno inay kasoo hor-jeeddo xisbiga ANC oo ay inta badan dadka madowga ah taageeraan.

Gobolka Western-Cape ayaa ah gobolka kaliya ee aanay ka talin ururka ANC ee talada dalka haya, taasina waa sababta keenta in inta badan dadka madow ee gobolkan ku nool ay ka cawdaan maamulka gobolka oo ay dadka caddaanka ahi u badan yihiin.


Daahir Faarax, Hiiraan Online
[email protected]
Cape-town, Koonfur Afrika