4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 31, 2013
Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee dowladda Somalia oo ka hadashay Xukunka Taliyihii hore ee Ciidamada Asluubta

Khamiis, Oktoobar 31, 2013 (HOL) — Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya ayaa ka hadshay xukun ay horay ugu ridday Jen. Cabdi Maxamed Ismaaciil oo ahaa taliyihii ciidamada Asluunta Soomaaliyeed oo lagu eedeeyay inuu si hoose ula shaqeynayay Al-shabaab.

Jen. Cabdi Maxamed Ismaaciil ayaa waxaa laba habeen ka hor lagu qabtay howlgal ay ciidamada ammaanku ka sameeyeen Muqdisho, iyadoo taliyaha laabta dambi-baarista booliiska ee CID-da, Jen. Siciid Axmed Kadiye uu sheegay in habeenno ka hor lagu soo wargeliyay in taliyihii hore ee Asluubta uu dib ugu soo laabtay Muqdisho.

Afhayeenka maxkamadda ciidamada qalabka sida, Col. C/llaahi Max’ed Muuse (Kayse) ayaa sheegay in taliyaha lagu qaadayo xukunkii hore ee ay maxkamaddu ku xukuntay isagoo maqan, kaasoo ahaa xabsi  daa’in.

“Maxkamaddu waxay xukun madaxaa-ha-ku-furto ah ku ridday taliyihii hore ee ciidamada Asluubta oo dalka ka maqan, xukunkiisana kaas ayuu ahaan doonaa, haddii ay jiraan dambiyo kale oo soo kordhay, waxaa loogu dari doonaa kuwii hore,” ayuu hadalkiisa ku daray Col. Kayse.

Taliyihii hore ee ciidamada Asluubta Soomaaliyeed ayaa dhowr bilood ka hor dalka ka baxsaday kaddib markii lagu eedeeyay inuu xabsiga kasii daayay xubno ka tirsan Al-shabaab oo qaarkood ay dilal ku xukunnaayeen.

Ma jirto hadal uu eedeyntaas ka yiri Jen. Ismaaciil, iyadoo xukuumaddu ay markii dambe sheegtay inuu dalka ka baxsaday, lana xukumay isagoo aan gacanta lagu hayn.

Col. Keyse ayaa ugu dambeyn sheegay in tani ay caddeyn u tahay in ruux dambiile ah uusan ka baxsan doonin sharciga, wuxuu u mahadceliyay guud ahaan ciidamadii ka qaybqaatay soo qabashada taliyihii hore ee ciidamada Asluubta Soomaaliyeed.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya