4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 31, 2013
Jan Eliasson oo Golaha Ammaanka ugu baaqay in tirada ciidanka AMISOM la kordhiyo, lana taageero Ciidamada Soomaaliya

Khamiis, Oktoobar 31, 2013 (HOL) — Ku xigeenka xoghayaha guud ee QM, Jan Eliasson oo xalay ka hadlay kulan ay lahaayeen golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay loogana hadlayay kordhinta ciidamada AMISOM iyo taageerada ciidamada Soomaaliya ayaa ku baaqay in tirada AMISOM si dhaqso ah loo kordhiyo.

Eliasson ayaa sheegay in taliyaha ciidamada AMISOM uu sheegay in haddii aan la kordhin ciidamada AMISOM, lana qalabeyn kuwa dowladda Somalia uu dagaalka lagula jiro Al-shabaab daba-dheeraan doono.

“Taliyaha AMISOM wuxuu ii sheegay in ciidamadooda iyo kuwa dowladda aysan awood u lahayn inay weeraraan goobaha ay Al-shabaab ku sugan tahay, haddii aan si dhaqso ah loo taageerinna uu dagaalka Al-shabaab lagula jiro qaadan karo tobannaan sano,” ayuu yiri Eliasson.

Sidoo kale, Eliasson wuxuu sheegay in Al-shabaab ay hadda waddo inay qorato ciidammo cusub ayna shaqaaleynayso dhallinyaro Soomaaliyeed, isagoo sheegay in kooxdan ay isku diyaarinayso weerarro ay qaaddo.

“Haddii aan laga hortegin abaabulka ah waddo Al-shabaab waxaa la arki karaa inay dib ugu soo laabtaan goobihii laga saaray, waayo hadda waxay awoodaan inay weerarro ka geystaan Muqdisho, Kismaayo iyo meelo kale oo dalka ka tisran,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Jan Eliasson ayaa toddobaadkan booqasho ku yimid magaalada Muqdisho, isagoo la kulmay madaxweynaha, ra’iisul wasaaraha iyo xubno kale oo ka tirsan dowladda, wuxuuna sheegay in isbedel weyn uu kusoo arkay dalka Soomaaliya.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa waxay yeesheen kulan ay uga hadleen sidii lagu taageeri lahaa ciidamada Soomaaliya loona kordhin lahaa kuwa Midowga Afrika ee AMISOM, inkastoo aysan weli wax war ah ka soo saarin kulankooda.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya