4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 31, 2013
Al-shabaab oo ku Hanjabtay inay Weerarayso Ciidamada cusub ee lagu soo kordhinayo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM

Khamiis, Oktoobar 31, 2013 (HOL) — Al-shabaab ayaa ku hanjabtay inay la beegsan doonto weerarro ciidamada cusub ee lagu soo kordhinayo kuwa AMISOM ee ku sugan Soomaaliya, iyagoo xusay inaysan waxba soo kordhin doonin ciidamo kale oo dalka la keeno.

Sheekh Cali Dheere oo ah afhayeenka guud ee Al-shabaab ayaa sheegay in sababta ciidamada cusub loo keenayo ay tahay in lagu xoojiyo kuwa hadda jooga maadaama ay ciidammo badan dalka uga dhinteen.

“Waxaa naga go’an inaan ka hortagno ciidanka cusub ee dalka ka keenayo, runtiina sababta loo keenayo waa iyadoo ay kumannaan askari oo AMISOM ka tirsan ay dhinteen, waxaana la doonayaa in kuwaas badalkooda la helo,” ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.

Afhayeenka oo sii hadlay ayaa sheegay in iyagu ay awalbka ku talo-galeen inay la dagaalamaan ciidammo walba oo dalka la keeno, kuwa soo socodana ay ka go’an tahay inay la dagaalamaan.

“Innagu markiiba horeba waxaan ahayn NIN QOYAN BIYO KA DHOWRTO way naga go’an tahay inaan dagaalka sii wadno, meel walba oo la geeyo ciidamada cusubna waan ku beegsanaynaa,” ayuu Sheekh Cali Dheere ku daray hadalkiisa.

Hadalka afhayeenka Al-shabaab ayaa kusoo beegmaya xilli dhawaan uu ku baaqay ururka Midowga Afrika in lagu soo kordhiyo ciidamada AMISOM in ka badan 6,000 oo askari, si loo xoojiyo dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Xarakada Al-shabaab ayaa dhul ballaaran looga qabsaday dagaallo labadii sano ee lasoo dhaafay ka dhacay Muqdisho iyo qaybo ka mid ah gobollada dalka Soomaaliya, balse kooxdan weli waxay ku adkeysanaysaa inay sii dagaalami doonto.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya