4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 31, 2013
Maamulka Degmada Marko oo Isbitaalka Degmadaas ka saaray dadka qaba Cudurka AIDS-ka iyo Dadkaas oo Cabanaya

Khamiis, Oktoobar 31, 2013 (HOL) — Maamulka degmada Marko ee xarunta gobolka Shabeellada Hoose ayaa ka saaray isbitaalka degmadaas dadka la nool cudurka halista ah ee HIV/AIDS, iyadoo dadkaasna ay sheegeen in loo diiday dawooyin ay qaadan jireen.

Mid ka mid ah dadka qaba cudurkan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in lagu wargeliyay in isbitaalku uu xiran yahay oo aysan heli karin wax dawo ah, wuxuuna xusay in caafimaadkooda uu ku tiirsanaa dawooyinka ay ka qaadan jireen isbitaalka.

“Dawada waxaan ka qaadan jirnay Isbitaalka, waxaana xiray guddoomiyaha sida naloo sheegay, mana garanayno sababta. Sidoo kale waxaa jirta in laga saaray isbitaalka hay’addii dawooyinka u keeni jirtay ee COSV,” ayuu intaas ku daray ruuxan cudurka la nool oo coddsaday inaan magaciisa la sheegin.

Ruuxan ayaa intaas ku daray in dadkii ku jiray isbitaalkaas uu maamulku si khasab ah uga saaray, isagoo adeegsanaya ciidammo kala duwan, dadkii ka qaadan jiray dawooyinka oo gobollo kala duwan ka yimidna loo sheegay inay isaga tagaan halkaas.

Isbitaalka magaalada Marko ayaa wuxuu tobankii sano ee lasoo dhaafay ahaa goob lagu daweeyo dadka uu ku dhaco cudurkan halista ah, sidoo kalena ay dawooyinka ka qaataan, iyadoo tallaabadan ay noqonayso tii ugu horreysay oo isbitaalkaas looga saaro dadka qaba cudurka AIDS-ka.

Dhanka kale, guddoomiyaha degmada Marko, Maxamed Cismaan Yariisow oo isaguna ka hadlay sababta uu maamulkiisu uga saaray dadkii cudurka AIDS-ka qabay isbitaalka degmada ayaa sheegay inay uga saareen kaddib markii ay ka baqeen inay qaadsiiyaan dadka fiyow.

“Cudurkan AIDS-ka waa cudur halis ah, marka waxaan qabnaa in dibadda looga saaro isbitaallada lagu hayo dadka qaba, waana taas midda keentay inaan isbitaalka uga saarno,” ayuu yiri Yariisoow.

Guddoomiyaha ayaa hadalkiisa ku daray in iyaga iyo hay’adda COSV ay ka hadlayeen arrintan muddo lix bilood ah, ugu dambeynna ay odayaasha iyo maamulku qaateen go’aan ah inay isbitaalkaas laga saaro dadka cudurka qaba ee ku jira si dadka kale ay u badbaadaan.

Shalay ahayd markii dadka cudurka HIV/AIDS qaba laga saaray isbitaalka degmada Marko, mana jiro hadal kasoo baxay hay’adda COSV oo dadkaas siin jirtay dawooyinka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya