4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 31, 2013
Madaxweynaha Somalia iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo Maanta ku Wajahan Kismaayo iyo Diyaargarow ka socda Magaaladaas

Khamiis, Oktoobar 31, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ku wajahan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, kaddib markii laba jeer uu toddobada ka baaqday safarkan.

Magaalada Kismaayo ayaa waxaa iyadana ka socda diyaargarow xooggan oo lagu soo dhaweynayo madaxweynaha iyo wafdigiisa, waxaana si aad ah loo adkeeyay ammaanka magaaladaas, iyadoo sawirrada madaxweynahana la suray waddooyinka waaweyn ee magaaladaas.

Wafdiga madaxweynaha ayaa waxaa ka mid noqon doona xubno ka tirsan labada gole ee dowladda, waxaana socdaalkooda uu salka ku hayaa sidii loo dhameystiri lahaa heshiiskii ay dowladda Soomaaliya iyo maamulka KMG ah ee Jubba ay ku kala saxiixdeen magaalada Kismaayo bishii Ogoosto 2013.

“Ammaanka Kismaayo aad ayaa loo adkeeyay, waxaana la xiray goobihii ganacsiga, sidoo kale waxaa la yareeyay socodka dadka iyo gaadiidka, magaaladana waxaa ka jira xaalad ka duwan tii hore,” ayuu yiri goobjooge ku sugan magaalada Kismaayo.

Ciidammo iyo wafdi hordhac u ah booqashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa shalay gaaray magaaladaas, waxaana la sheegay in ciidamadii halkaas tagay ay qayb ka yihiin kuwa adkeynaya ammaanka garoonka iyo qaybaha kale ee magaalada Kismaayo.

Madaxweynaha oo aan la ogeyn inta casho ee uu joogi doono magaalada Kismaayo ayaa haddana waxaa lagu wadaa inta maalmood ee uu joogo inuu kulammo la yeesho mas’uuliyiinta maamulka KMG ah ee Jubba oo uu ugu horreeyo hoggaamiyaha maamulka, Sheekh Axmed Madoobe, si loosoo af-jaro mad-madow soo dhexgalay dowladda iyo maamulka Jubba.

Booqashadan ayaa noqonaysa tii ugu horreysay oo uu madaxweyne Xasan Sheekh ku tago magaalada Kismaayo ama magaalo dhinaca Koonfureed ee Soomaaliya ku taalla tan iyo markii xilka loo doortay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya