4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 5 , 2013
Soomaalida ku Nool Gobolka Minnesota oo Maanta u dareeraya Doorashada Dowladaha Hoose iyo Soomaali Murashaxiin ah


Talaado, November 05, 2013 (HOL) — Maanta oo Talaado ah ayaa looga dareeray magaalada Minnapolis ee gobolka Minnesota doorashada dowladda hoose, iyadoo sidoo kale looga dareeray guud ahaan gobollada dalka Maraykanka.

Waxaa muhiimad gaar ah leh doorashada magaaladda Minneapolis oo ayka mid yihiin dadka doorashada ka qaybgalaya sagaal qof oo Soomaali ah oo shan ka mid ah ay u tartamayaan hal kursi. Waxaa iyadana xiiso leh inay murashaxiinta u tartamaya duqa magaalada Minnapolis ay doonayaan inay helaan codadka Soomaalida gobolkaas ku nool.

Murashaxiinta u tartamaya duqa Minnapolis ayaa lagu arkayay sitimaanadii lasoo dhaafay xaflada ay Sooamalidu qabsanayaan iyo goobaha suuqyada ah iyagoo weydiisanaya inay codadkooda siiyaan. waxaan ka xusi karnaa laba murashax oo xagga saadaasha ugu horreeya kuwaasoo kala ah: Mark Endaw iyo haweenayda lagu magacaabo Betsy Hodges kuwaasoo gudigooda ololaha doorashada ay ku jiraan dad Soomaali ah, iyagoo u arka in codadka dadka Soomaalida ah ay wax ka bedeli karaan natiijada doorashada.

Haddaan u soo noqonno tartamayaasha Soomaalida ah waxaa kua jira kuwo xagga hore kaga jiraan saadaasha la sameeyay; sida Cabdi Warsame oo u sharraxan jagada golaha deegaanka ee Minnapolis oo shantii isbuuc ee lasoo dhaafay ay u codeeyeen dad lagu qiyaasay in ka badan kun qof oo sharcigu u fasaxayo inay sii codeyn karaan inta aan la gaarin maalinta codaynta, sida dadka safraya, curyaamiinta, waayeelka, dadka shaqeynaynaya iyo weliba dadka danaha gaarka ah ka leh maalintaas.

Sidoo kale, Haashim Yoonis oo isaguna la hadal hayo, musharrax Murshid Barud oo u ka tartamaya magaalo aan aheyn magaalada Minneapolis balse aan sidaas uga forgeyn oo lagu magacaabo Eden Prairie isagoo u tartamaya golaha maamula waxbarashada xaafadda (School Board).

Xaafadda lixaad ee magaalada Minneapolis oo ah midda ugu tartamayaasha badan xagga Soomaalida ayna deggen yihiin Soomaalida ugu badan ayaa waxaa ka tartamaya murashaxiinta kala ah: Cabdi Warsame, Maxamed Cali, Cabdi Caddow, Sheekh Cabdul iyo Abuukar Cabdi.

Xaafadda sagaalaad ee Minneapolis ayaa waxaa iyadana ka tartamaya Cabdi Cabdulle. Sidoo kale, gudiyada maamuulka goobaha nasashada ama Parks-ka waxaa laba xafiis oo ka mid ah u tartamaya Haashim Yoonis iyo Siciid Maye.

Dhanka kale, magaalada Lewiston gobolka  Maine waxaa ka sharraxan guddiyada maamula Iskuullada, waxaana u tartamaysa gabar Soomaaliyeed oo lagu magacabo, Zamzam Maxamuud.

Gobollada Maraykanka ee ololaha siyaasadeed laga dareemayo waxaa kaloo ka mida magaaladda Seattle Washington oo ay deggen yihiin Soomaali fara badan in warbaahinta Soomaalida ee gobolkaas ay ku guubaabinayaan inay dadku codkooda siiyaan qaar ka mid ah musharraxiinta gobolkaas.

Natiijada doorashooyinkan ayaa lagu wadaa in lagu dhawaaqo caawa oo Talaado ah xilli danbe, iyadoo murashaxiintu ay dadaallo badan ku jiraan maanta, mid walba uu si gaar ah u rajeynayo guul uu ka gaaro doorashada.

Siciid Siyaad Saalax
[email protected]
Minneapolis, Minnesota