4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 1 , 2013
XUSEEN BANTU: “Safarkii Kismaayo wuxuu ahaa mid lagu qancinayay dadka ku nool Gobollada Jubbooyinka iyo Maamulkooda”


Jimco, November 01, 2013 (HOL) — Xildhibaan Xuseen Max'uud Muuse (Xuseen Bantu) oo ka mid ahaa wafdigii madaxweynaha Somalia u raacay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose oo galbta dib ugu soo laabtay Muqdisho ayaa sheegay inay la soo kulmeen wax aysan filanayn.

Mudanaha ayaa sheegay in dadka Jubbooyinka ay ka caban jireen inuusan u imaanayn madaxweynaha Soomaaliya, sidaa daraadeedna aysan aqoonsan karin waxyaabaha kasoo baxaya dowladda dhexe, balse ay aad ugu farxeen markii uu madaxweynuhu booqday magaaladaas.

“Socdaalka ujeeddadiisa ugu weyn waxay ahayd in dadka Jubbooyinka ku nool la qanciyo, looguna talo guryahooda,” ayuu yiri Xuseen Bantuu oo VOA-da u warramayay isagoo ku sugan Muqdisho.

Xildhibaanka ayaa sheegay in kulammo ay la yeesheen mas’uuliyiinta Jubba oo uu ugu horreeyo Sheekh Axmed Madoobe ayna isku af-garteen wixii lagu soo qaaday kulanka, taasoo uu ku tilmaamay guul weyn.

“Aniga afar jeer ayaan Kismaayo tagay anigoo la socda wufuud kala duwan oo dowalddu u diray halkaas oo uu ku jiray ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, balse rajada maanta ii muuqata waa mid aad u weyn,” ayuu hadalkiisa ku daray Xuseen Bantuu.

Mar la weydiiyay in shirka dhameystirka heshiiskii Addis Ababa wajigiisii hore uu berri ka fumi doono Muqdisho iyo in kale ayuu sheegay in ogaalkiisa uu furmi doono shirkaas, balse uusan sheegin karin waxa isbedeli kara, aysanna jirin wax dib u dhac ah oo uu maqlay.

“Waxyaabihii ugu waaweynaa ee kulammadii dhacay looga hadlay waxaa ka mid ahaa xiriirka wanaagsan ee u dhexeeya dowladda dhexe iyo maamulka KMG ah ee hadda dhismi doono iyo in dadweynaha la akro oo la raalli-geliyo uuna u yimid madaxweynaha uuna u imaan karo, waxaana qabigooda laga dhaqayay in madaxweynuhu uusan u imaanayn,” ayuu xildhibaanku ku yiri wareysigiisa.

Sidoo kale, xildhibaanka ayaa sheegay in madaxweynuhu uu ku guuleystay inuu qanciyo shacabka Jubbooyinka iyo maamulkooda, maadaama ay horay u mari waayeen, isagoo xusay inaysan shuruudo kale la imaan doonin haddii ay la yimaaddaanna ay yihiin kuwo aan doonayn inay wax dhismaan.

Ugu dambeyn, xildhibaanku wuxuu sheegay inuu Kismaayo ka jiray diyaar-garow xooggan oo looga qaybgalayo shirka ka dhacaya Kismaayo, isagoo sheegay in dhinacyadii kasoo horjeedi jiray shirka ay sheegeen inay kasoo qaybgalayaan.

Xildhibaan Xuseen Maxamuud Muuse (Xuseen Bantuu) ayaa wuxuu ka mid yahay mudanayaasha kasoo jeeda gobollada Jubbooyinka, isagoo ka mid ahaa xubnihii dowladda Soomaaliya ku matalayay heshiiskii Maamulka KMG ah ee Jubba iyo dowladdu ay ku kala saxiixdeen Addis Ababa bishii Ogoosto ee sannadkan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya