4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 1 , 2013
Dagaal culus oo maanta ka dhacay deegaan ka baxsan degmada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug iyo Puntland oo ka hadashay

Jimco, November 01, 2013 (HOL) — Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhintay in ka badan 10-qof oo kalena waxaa kasoo gaaray dhaawacyo kala duwan dagaal culus oo duhurnimadii maanta ka dhacay deegaanka Godad oo 30-km u jira magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

Dagaalkan ayaa u dhexeeyay ciidammo kala taabacsan maamullada Galmudug iyo Puntland oo ka taliya qaybo ka tirsan gobolka Mudug, waxaana la sheegay in dhinacyadu ay dagaalka u adeegsadeen hubka culus iyo midka fudud.

Inkastoo aan la ogeyn cidda weerarka qaadday ayaa haddana maamulka Puntland wuxuu sheegay in ciidammo taabacsan oo ku sugnaa deegaankaas ay soo weerareen ciidammo ka tirsan kuwa maamulka Galmudug ee ay ood-wadaagta yihiin.

“Weerarku wuxuu uu ahaa mid militeri oo qorshaysan kaasoo ay deegaanka kusoo qaadeen ciidammo ka tirsan Galmudug, waxaana ogaannay in hubka ay ku dagaalamayeen uu ahaa mid ay dowladda Somalia siisay maamulka Galmudug,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed uu soo saaray maamulka Puntland.

Sidoo kale, warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in weerarkan uu ahaa mid uu abaabulkiisa lahaa wasiirka arrimaha gudaha iyo Amniga Qaranka Somalia, C/kariin Xuseen Guuleed, khasaarihii ka dhashana ay mas'uuliyadiisa qaadayso dowladda Soomaaliya.

Puntland ayaa wuxuu khilaaf xooggan kala dhexeeyaa dowladda federaalka Somalia iyadoo maamulkan uu horraantii bishii Ogoosto ee sanadkan ku dhaawaaqay inuu xiriirkii wada-shaqeyneed u jaray dowladda Soomaaliya, iyadoo aysan ka jawaabin dowladda Soomaaliya eedeynta ay soo jeedisay Puntland.

Lixda qof ee dagaalka ku dhintay ayaa ka tirsanaa dhinacaydii dagaalamay; iyadoo dadkii kale ee dhaawacmayna ay iyaguna ka tirsanaayeen ciidamadii dirirtu u dhexeeyay, waxaana dhaawacyada la kala geeyay isbitaallo ku yaalla Koonfurta iyo Waqooyiga Gaalkacyo.

Maamul goboleedka Galmudug ayaan weli ka hadlin dagaalka, iyadoo lasoo sheegayo inay xiisad colaadeed weli ka taagan tahay deegaankii uu dagaalku ka dhacay, lamana oga sida uu xaalku ku dambeyn doono.

Goobjoogayaal ku sugan deegaankaas ayaa u sheegay warbaahinta in illaa 10 dagadiidka dagaalka ah ay ka qayb-galeen dagaalka, lamana oga illaa iyo hadda sababta keentay inuu dagaalkan qarxo.

Ma ahan markii ugu horreysay oo dagaallo noocan oo kale ah ay ciidamada maamullada Galmudug iyo Puntland ku dhexmaraan deegaanno ka tirsan gobolka Mudug, inkastoo ay dhowr jeer heshiiyo nabadeed kala saxiixdeen labadan maamul.

Deegaanka uu dagaalku ka dhacay ayaa waxaa ka talisa maamulka Puntland, iyadoo ay ku sheegtay Puntland war-saxaafadeedka ay soo saartay inay ka hortagayso khatar walba oo soo wajahda deegaannada ay ka taliyaan ee ku yaalla gobolka Mudug.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya