4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 1 , 2013
Soddomeeyo Arday oo Maanta ka Qalin-Jabisay Mac-hadka Islaamiga ah ee Al-furqaan oo ku yaalla Degmada Buuhoodle (SAWIRRO)


Jimco, November 01, 2013 (HOL) — Arday tiradoodu ahayd 31 ayaa ka qalin-jabiyay machadka sare ee Al-furqaan ee magaalada Buuhodle, iyadoo xaflad lagu qabtay degmada lagu guddoonsiiyay shahaadooyin.

Dufcaddan ayaa ah tii shanaad ee ka baxda machadkan diiniga ah iyadoo uu shahaadooyinka guddoonsiyay Garaad C/llaahi Garaad Soofe oo ka mid ahaa marti-sharf isugu jira cuqaal, waxgarad iyo bulshada magaalada oo ka qayb-galay xafladda, kuwaasoo qaarkood ay ka socdeen magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Guddoomiyaha jaamacadda Bariga Afrika faraceeda magaalada Buuhoodle, isla markaana ah maamulaha guud ee machadka Al-furqaan ee degmada Buuhoodle, Dr.Cabdishaafi Axmad Cali ayaa sheegay in ardayda la siiyay shahaado la aqoonsan yahay oo heer caalami ah.

Caaqil Cabdisamad Cali Xasan oo ka mid ah cuqaasha gobolka Cayn, ahna guddoomiyahay shirkadda isgaadhsiinta Telesom ee magaalada Buuhoodle oo isna hadallo ka jeediyaya xaflada ayaa bulshada ku baraarujiyay faa’iidada ay waxbarshadu leedahay.

Machadka Al-furqaan ee ayaa ka mid ah macaahidda waawayn ee Diiniga ah ee wax-tarka balaaran u leh bulshada ku dhaqan gobollada Sool iyo Cayn.







Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool