4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 1 , 2013
Wasiirka Amniga oo sheegay in Qoxootiga Soomaaliyeed Qaar ka mid ah ay Qorsheynayaan Weerarro ka dhan ah Dalka Kenya


Jimco, November 01, 2013 (HOL) — Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga dalka Kenya, Joseph Ole Lenku oo shir jaraa’id ku qabtay maanta Jimco ah magaalada Nairobi ayaa sheegay in qaar ka mid ah qoxootiga Soomaaliyeed ee ku nool Kenya ay qorsheynayaan weerarro argagaxiso oo ay ka geystaan Kenya.

Lenku ayaa sheegay in qoxootigan ay dalkooda uga soo carareen ammaan-xumo, isagoo sheegay inay caqabad ku yihiin ammaaka dalkiisa, iyadoo uu ku soo beegmayo hadalkan xilli ay dowladda Kenya dhawaan sheegtay inay qorsheynayso inay xirto xeryaha qoxootiga ee ku yaalla dalkeeda.

“Qaar ka mid ah qoxootiga Soomaaliyeed ah ee ku nool dalkeenna waxay ku howlan yihiin qorshayaal ka dhan ah ammaanka Kenya,” ayuu Lenku ku yiri shirkiisa jaraa’id.

Wasiirka ayaa sheegay in xukuumadda dalkiisu ay dadaal xooggan ugu jirto sidii ay uga hortegi lahayd weerarro kale oo argagaxiso oo laga geysto dalka Kenya, kaddib weerarkii bishii September lagu qaaday xarunta ganacsiga ee Westgate Mall, kaasoo ay ku dhinteen 67-qof.

Sidoo kale, Lenku wuxuu sheegay in qoxootiga ka yimid Soomaaliya oo ay colaado ka jiraan kuna nool xeryaha dalkooda ay gaarayaan 600,000, isagoo sheegay in weerarrada laga maleegayo xeryahaas ay cabsi weyn ku beertay.

Xarakada Al-shabaab eek a dagaalanta Somalia ayaa sheegtay inay mas’uul ka ahayd weerarkii lagu qaaday Westgate, halkaasoo ay kooxihii weeraray gacanta ku hayeen afar maalmood oo xiriir ah.

Inkastoo wasiirku uu hadalkan sheegay ayaa waxaa jira mudanayaal kasoo jeeda gobolka Waqooyi-bari ee Kenya oo ay ku yaallaan xerhaha Dhadhaab ay sheegeen inaysan jirin weerarro laga soo abaabulo xeryahaas, iyagoo ku tilmaamay hadalkaas mid aanay waxba ka jirin oo mar=marsiiyo ah.

Xukuumadda Kenya ayaa sheegtay inay shalay weerartay saldhig ay kooxda Al-shabaab ku lahayd duleedka degmada Diinsoor, halkaasoo ay ku dileen in ka badan 300-dagaalyahan oo kooxdaas ka tirsan, kuwaasoo tababar uu uga socday saldhiggaas.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya