4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 1 , 2013
Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya oo Maanta booqasho ku tagay Xarunta Jaamacadda iyo Dekadda Kismaayo (SAWIRRO)


Jimco, November 01, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta booqasho ku tagay xarunta jaamacadda Kismaayo oo ay ku sugnaayeen qaar ka mid ah ergadii soo dooratay hoggaamiyaha KMG ah ee Jubba, Shiikh Axmed Madoobe, wuxuuna sidoo kale booqday dekedda Kismaayo.

Madaxweynaha ayaa markii uu tagay xarunta Jaamacadda wuxuu kulan kula qaatay qaar ka mid ah odoyaasha dhaqanka beelaha Jubooyinka, wuxuuna halkaasi warbixin dheer uga dhageystay ugaasyiyo iyo nabadoonno, kuwaas oo ka sheekeeyay heerarkii uu soo maray maamulka Jubba.

Sidoo kale, Madaxweynaha oo sina la hadlay odayaasha ka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubba ay dhameeyeen khilaafyadii ka dhexeeyay, isagoona xusay in labada dhinac ay qalinka ku duugeen heshiis.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

Xasan Sheekh ayaa ugu baaqay odoyaasha dhaqanka inay ka shaqeeyaan sidii looga qeyb-geli lahaa shirka lagu qaban doono magaalada Muqdisho iyo weliba sidii xal looga gaari lahaa dhibaatooyinkii ka dhacay gobollada Jubbooyinka.

Dhanka kale, madaxweynaha ayaa booqday dekedda weyn ee magaalada Kismaayo, halkaasoo uu warbixin ku saabsan hannaanka shaqo ee dekedda Kismaayo uga dhageystay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Jubba.

Wafdigii uu hoggaaminayay Madaxweynaha oo ka koobnaa labada gole ee xukuumadda ayaa ugu dambeyn ka duulay garoonka diyaaradaha ee Kismaayo, iyagoona dib ugu laabtay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya