4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 1 , 2013
Ururka dhaqaatiirta Soomaaliyeed oo Maanta shaaciyay xilliga ay dhacayso Doorashada Hoggaanka Cusub ee Ururka (SAWIRRO)


Jimco, November 01, 2013 (HOL) — Mas’uuliyiinta ururka dhakhaatiirta Soomaaliyeed (Somali Medical Association) ayaa maanta shir jaraa’id oo ay ku qabteen Muqdisho waxay kaga hadleen waxqabadka ururkaas, iyagoo iclaamiyey xiliga la qabanayo shirweynaha ururka ee lagu dooran doono hoggaan cusub oo uu yeelan doono.

Guddoomiye ku-xigeenka ururka dhakhaatiirta Soomaaliyeed, Dr. C/llaahi Sheekh Xuseen (Bushkuleeti) oo hadalka ku hormaray ayaa faahfaahin ka bixiyay waxqabadka ururkaas mudadii uu jiray iyo marxaladaha kala gedisan ee uu soo maray.

“Ururka dhaqaatiirta Soomaaliyeed waxaa lagu aasaasay Muqdisho 10-kii May ee sannadkii 2000, waxaana loo aasaasay sidii dhakhaatiirta ay u heli lahaayeen dalad ay ku mideysan yihiin oo xuquuqdooda iyo anshaxooda ilaalisa, waxaana soo maray intii uu jiray saddex hoggaan oo ka kooban min guddoomiye iyo guddi fulin,” ayuu yiri Dr. Bushkuleeti.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay in hoggaankooda hadda xilka haya uu yahay kii saddexaad ee ururka soo mara, lana doortay bishii Sebtembar ee sanadkii 2006-dii; wuxuuna xusay inay ka koobnaayeen guddoomiye, guddoomiye ku-xigeen iyo sagaal xubnood oo guddi fulin ah.

“Doorashadeenii waxay la kowsatay dagaallo culus oo ka dhacay caasimada iyo qaybo dalka ka mid ah; taasoo curyaamisay howlihii ururka, waxaana kala fur-furtay wadajirkii xubnaha ururka kaddib markii dhakhtar kasta uu u cararay halkii uu u arkay inuu ku badbaadayo,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Guddoomiyaha ururka dhakhaatiirta Soomaaliyeed, Dr. Cabdirisaaq Axmed Dalmar oo shirkaas jaraa’id ka hadlay ayaa isna wuxuu sheegay in mudadii ay xilka hayeen ay ururka gaarsiiyeen in loo aqoonsado heer caalami, ayna hadda xubno ka yihiin ururo kala duwan oo isugu jira heer caalami iyo heer gobol.

“Mudadii aan xilka haynay waxaa ururku uu xubin buuxda ka noqday ururka dhakhaatiirta adduunka (World Medical Association), ururka dhakhaatiirta ee Afrika (Africa Medical Association), ururka dhakhaatiirka Carabta, kan Bariga iyo Bartamaha Afrika, ururka dhaqaatiirta Islaamka, waxaana sannad walba ka qayb-galnaa shirarka ay isugu yimaadaan ururradaas, xiriirro joogto ahna waan leennahay,” ayuu Dr. Dalmar yiri.

Dr. Dalmar ayaa sheegay in duruufaha colaaddii ka jiray dalka awgeed ay dib u dhacday doorashadii hoggaanka ururka ee la qaban lahaa 2009-kii; sidaas awgeedna guddiga fulinta uu go’aamiyay in mas’uuliyiinta xilka haya ay howsha sii wadaan inta doorasho ay ka suuragaleyso.

“Iyadoo xaaladda dalka ay xilligan wanaagsan tahay ayaa waxaan go’aan ku gaarnay inaan shaacinno maanta xilliga la qabanayo shirweynaha ururka iyo doorashada hoggaanka cusub oo noqon doonta 15-ka bishan Novembar,” ayuu Dr. Dalmar hadalkiisa ku daray.

Guddoomiyaha ayaa xusay inay xillka ku wareejin doonaan madaxda cusub ee la soo doorto, xubnaha ururkana ay soo dooran doonaan guddi cusub oo fulineed, kaasoo dooran doona hoggaan cusub ee saddexda sano ee nagu soo aadan xilka hayn doona. Isagoo intaas ku daray in taariikhda uu ururka ku faani karo ay tahay midnimo iyo in guddi kasta uu xilka ku wareejiyo guddiga la doorto.

“Anigoo ah guddoomiyaha xilka kasii dagaya waxaan halkan ka cadeynayaa inaan ka qaybgalay doorashada soo socota. Soomaalida waxaa looga bartay in qofkii jago loo dhiibo uu isku dhejiyo in xoog looga qaado maayee, laakiin waxaan rabaa inaan baro dadka in qofka markii uu muddo hoggaanka hayo uu wareejin karo, waxaana nasiib-wanaag inoo ah in doorashada dhacaysa bishan uu kasoo bixi doono guddoomiye cusub oo dhiig cusub ku shuba, dar-darna geliya howlaha ururka,” ayuu mar kale yiri Dr. Dalmar.

Dhanka kale, Dr. Dalmar ayaa ugu baaqay dhakhaatiirka Soomaliyeed inay kasoo qayb-galaan shirweynaha ururkooda ee bishan bartamaheeda lagu qaban doono Muqdisho si ay u doortaan hoggaan cusub, isagoo sidii kale ugu baaqay inay ilaaliyaan midnimadooda.

“Waxaan magacownay guddiga qaban-qaabada shirka ururka, shuruuda kaliya ee ku xiran xubnaha ka qayb-galaya waa inuu dhakhtar yahay oo jaamacad la aqoonsan yahay uu kasoo baxay, waxaana ballan-qaadaynaa inaan hoggaanka cusub ku wareejino qalabka, qoraallada iyo wax kasta oo ururku leeyahay,” ayuu Dr. Dalmar hadalkiisa kusoo gunaanaday.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya