4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 1 , 2013
Madaxweyne Xasan Shiikh iyo wafdigiisa oo la kulmay odayaasha dhaqanka ee Gobollada Jubbooyinka iyo Bulshada Rayidka


Jimco, November 01, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigii uu hoggaaminayay oo magaalada Kismaayo ku sugan maalintii labaad ayaa kulammo la yeeshay odayaasha dhaqanka gobollada Jubbooyinka iyo bulshada qaybaheeda kala duwan, isagoo u sheegay inay dowladdu halkan u timid sidii ay u adkeyn lahayn hishiiskii lagu gaaray Addis Ababa bishii Ogoosto.

Kulanka uu la yeeshay madaxweynaha odayaasha dhaqanka ayaa ka dhacay maanta jaamacadda magaalada Kismaayo, isagoo u sheegay in dowladdu ay soo gaartay Kismaayo ayna tahay wixii hadda ka dambeeya in halkan laga helo tashiilaadyada dowladda.

Sidoo kale, madaxweynaha ayaa ku boorriyay odayaasha inay qaybtooda ka qaataan howlaha lagu nabadeynayo dadka, sidoo kalena dowladda Somalia la taageero, isagoo sheegay in dowladdu ay ku tiirsan tahay shacabkeeda.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale qaybaha bulshada ee uu la kulmay iyagana u sheegay inay qayb ka qaatan howlaha nabadeynta Jubbooyinka iyo kuwa guud ee dalka, isagoo xusay inuu ku faraxsan yahay inuu Kismaayo markii ugu horreysa soo gaaro.

Tan iyo shalay iyo markii uu madxweynuhu tagay Kismaayo ayaa wuxuu la qaatay kulammo kala duwan maamulka KMG ah ee Jubbooyinka, kuwaasoo ay ku jireen kulammo ay albaabbadu u xiran yihiin, kuwaasoo aan si dhab ah loo ogeyn wixii kasoo baxay.

Maamulka Jubba iyo dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay inay heshiis ku gaareen in shirar lagu dhameystirayo heshiiskii lagu gaaray Addis Ababa lagu qabto magaalada Kismaayo iyo magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya.

Dhanka kale, wararka laga helayo Kismaayo ayaa waxay sheegayaan inay madaxweynaha iyo wafdigiisu booqdeen maanta goobo muhiim ah oo ay ka mid yihiin dekedda iyo garoonka diyaaradaha Kismaayo oo ay maamulkooda gacanta ku hayaan ciidamada Kenya ee qaybta ka ah AMISOM.

Madaxweynaha Somalia iyo wafdigiisa ayaa soo gunaaday shirarkiisa iyadoo lagu wado in maanta uu dib ugu soo laabto magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya