4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 1 , 2013
BIIXI: “Waxaanu Soomaaliya kala Hadlaynaa sidii aan u kala Tegi lahayn oo aan u noqon lahayn laba dal oo Walaalo ah”


Jimco, November 01, 2013 (HOL) — Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, Maxamed Biixi Yoonis oo ku sugan magaalada London ee xarunta dalka britain ayaa shaaciyay inay kala hadli doonaan dowladda Soomaaliya sidii ay Somaliland uga go’i lahayd.

Biixi oo la hadlayay BBC-da ayaa sheegay in qorshahan uu yahay mid ay ku doonayaan inay ku noqdaan dowlad ka madbaxnnaan Somalia inteeda kale, sheegay in xilligan ay Soomaaliya ka jirto dowlad rasmi ah.

“Wadahadallada soo socda waxaan doonaynaa in looga hadlo sidii aan u kala bixi lahayn innaga iyo Soomaaliya oo aan u noqon lahayn laba dal oo jaar iyo walaalo ah,” ayuu yiri Biixi. iyadoo hadalkiisan uu kusoo beegmayo xilli ay Soomaaliya iyo Somaliland uga socdaan wadahadallo dalka Turkiga.

Ma la weydiiyay wuxuu kala socdo wadahadallad hadda socda ee Somaliland iyo Soomaaliya u dhexeeya ayuu sheegay inay muhiim noqotay in kalsooni la abuuro, in dadku isku soo dhawaadaan in wadahadallado la billaabo.

Sidoo kale, wasiirka ayaa waxaa la weydiiyay in wadahadallada ay dowlado waaweyn oo caalamka ku lug leeyihiin. Isagoo ka jawaabayay su’aashaas ayuu sheegay in dalalka dariska ah ay la socdaan qadiyadda Somaliland halka ay marayso, kuwa waaweynna dhowr jeer oo loo sharraxayay, sidaas awgeedna uusan filayn inay is-hortaagaan qorshaha Somaliland.

“Hadda Soomaaliya waxaa ka jirta dowlad rasmi ah, horay ugama aysan jirin waxaana filaynaa in xilligan ay tahay markii ay kawada hadli lahaayeen sidii ay u kala tegi lahaayeen,” ayuu hadalkiisa ku daray wasiirka.

Dhanka kale, wasiirka ayaa waxaa la weydiiyay qorshaha safarka uu hadda ku joogo magaalada London ee dalka Britain, isagoo sheegay inuu kulammo la qaatay wasiirro ka tirsan xukuumadda UK uuna kala hadlay qadiyadda Somaliland iyo heerka ay taagan tahay, isla markaana ay kawada hadleen dhinaca taageerada ay siiyaan maamulka uu ka tirsan yahay.

Somaliland ayaa waxay muddo 22-sano ah ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale, iyadoo tan iyo xilligaas raadinaysay aqoonsi heer caalami ah oo ay gooni isugu taagto, inkastoo taasi aysan u suuro-gelin.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud oo dhawaan soo hadal qaaday wadahadalka ay kula jiraan Somaliland ayaa sheegay ku sheegay mid lagu doonayo in dib loogu soo celiyo midnimadii Soomaaliya, wuxuuna xusay inay sii socon doonaan wadahadalladaas.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya