4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 1 , 2013
Xaflad sagootin ah oo Xildhibaanadii Golaha Wakiillada Puntland xalay loogu sameeyay Magaalada Garoowe (SAWIRRO)

Jimco, November 01, 2013 (HOL) —Xaflad ballaaran oo lagu sagootinayey xildhibaanadii ka tirsanaa golihii wakiiladda Puntland ee shalay lakala diray, ayaa xalay ka dhacday madaxtooyada Puntland ee magaalada Garoowe.

Xafladda oo ahayd mid ballaaran waxaa mas'uuliyiinta kasoo qaybgalay ka mid ahaa: Madaxweynaha Puntland, guddoomiyaha baarlamaanka uu waqtigiisu dhamaaday C/rashiid Maxamed Xirsi, xubno ka tirsan Golaha Xukuumadda, isimmo, suugaan-yahan, culimaa'uddiin, haween, dhalinyaro iyo marti-sharaf kale oo badan.

Munaasabaddaas oo ay mas'uuliyiin badani khudbado kasoo jeediyeen, waxaa sidoo kale lagu soo bandhigay suugaan kala duwan oo si guud loogu cabbirayey horumarka deegaannada Puntland iyo weliba waxqabadka xubnaha baarlamaanka ee la kala diray.

Afhayeenka isimada Puntland Garaad C/laahi Cali Ciid oo kamid ahaa isimmadii madashaas ka hadlay, ayaa ku dheeraaday qiimaha ay midnimadu leedahay iyo weliba sida ay lagama maarmaan u tahay in nabadda iyo xasilloonida Puntland si wadajir ah looga shaqeeyo.



Sidoo kale wasiirka warfaafinta Axmed Sh. Jaamac oo ku hadlayey afka xukuumadda, ayaa goobta khudbad ka jeediyey, isagoo sheegay in Puntland aan marnaba looga baqayn in ay dib u noqoto, kana sheekeeyey taariikhda fog ee ay dadka iyo deegaannada Puntland leeyihiin.

Guddoomiyaha baarlamaanka shalay laka diray ee Puntland C/rashiid Maxamed Xirsi oo isna halkaas ka hadlay, ayaa ka sheekeeyey waxyaabihii u qabsoomay baarlamaanka, muddadii shanta sano ahayd ee uu soo shaqeynayey, isagoo xusay in baarlamaanku uu meel mariyey xeerar badan oo wax ku ool ah, sidoo kalena diidey qaar badan oo Guluhu uu u arkay in aysan dani ugu jirin shacabka reer Puntland ee ay metelaan.


Madaxweynaha Puntland, C/raxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole), oo ugu dambeyntii hadalka qaatay, ayaa mahad ballaaran usoo jeediyey xildhibaanada ku jirey baarlamaanka uu waqtigiisu dhamaaday, wuxuu dhinaca kale sheegay in xukuumadda uu hormuudka u yahay ay ballan qaadeyso in doorashada soo socotaa ay noqoto mid xor ah, si cadaaladi ku jirtana u dhacda.

Shalay oo ay taariikhdu ku beegnayd Oktoobar 31, 2013 ayey ku ekeyd muddada Golaha Wakiillada Puntland, kuwaas oo soo shaqeynayey muddo shan sano ah, islamarkaana la dhaariyey bishii Oktoobar ee sanadkii 2008.






Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Boosaaso, Puntland