4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 1 , 2013
Duqa Magaalada Toronto oo ay ku soo baxday Caddeymo Muujinaya isagoo Isticmaalay Daroogada loo yaqaan Cocaine-ta


Jimco, November 01, 2013 (HOL) — Duqa magaalada Toronto ee dalka Canada, Rob Ford ayaa lagu helay inuu isticmaalay daroogada loo yaqaan Cocaine-ta, kaddib baaritaan ay sameeyeen booliiska Totornto.

Caddeymahan ayaa waxay soo baxeen kaddib markii madaxa booliiska Toronto, Bill Blair uu sheegay inay heleen fiidiyow (Video) muujinaya duqa Toronto oo qaadanaya daroogo.

“Filimka aan helnay wuxuu muujinnayaa duqa Toronto oo daroogo qaadanaya, fiidiyowganna waa mid ay horay saxaafaddu u diidday,” ayuu yiri Blair oo saxaafadda kula hadlayay Toronto.

Baaris ay sameeyeen qaybta tiknolojiyadda ee booliiska Toronto ayaa lagu helay fiidiyowgan, iyadoo laga soo saaray kambiyuutarro la tirtiray, waxayna tani noqonaysaa fadeexaddii ugu weyneyd oo soo wajahda duqa Toronto.

Taliyaha booliiska Toronto ayaa sheegay inuu waajib ka saaran yahay sidii ay u soo ururin lahaayeen caddeymaha arrintan ku saabsan ayna maxkamad u gudbin doonaan, isagoo xusay in tani ay tahay mid uu ku difaacayo sharafta magaalada Toronto iyo shacabka ku nool.

Eedeymahan ayaa duqa magaalada Toronto waxaa markii ugu horreysay loo soo jeediyay iyadoo la diiday, waxaana markii ugu horreysay arrintan wax ka qortay jariidadda Toronto Star, iyadoo arritan ay noqotay mid dagtay, balse baaritaankan cusub ayaa dib u soo celiyay.

Duqa magaalada Toronto, Rob Ford ayaa sheegay in arrintaan soo shaac-baxday aysan ku qasbi doonin in uu is-casilo, isagoo sidoo kale war uu soo saaray ku sheegay inuu diyaar u yahay inuu is difaaco.

“Tani ma ahan mid jirta, waana arrin aan diidanahay,” ayuu yiri Ford, iyadoo fadeexaddan ay noqontay mid ka yaabisay shacabka Toronto ku nool ayna warbaahinta caalamku aad u hadal hayso arrintan.

Magaalada Toronto ee dalka Canada ayaa waxaa ku nool in ka badan boqol kun oo Soomaali ah, kuwaasoo qayb ka ah kuwa hadal haya fadeexadda ku soo baxday duqa magaalada Toronto.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya