4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 23, 2013
Mashruuc Xaafad Cusub looga Hir-gelinayo Deegaanka Jazeera ee Duleedka Muqdisho oo Maanta lasoo bandhigay (SAWIRRO)


Axad, Juun 23, 2013 (HOL) — Mashruuc dhismayaal cusub looga hirgelinayo deegaanka Jaziira ee duleedka magaalada Muqdisho ayaa lasoo bandhigay maanta, iyadoo la sheegay in dhismayaashan ay yihiin xaafad cusub oo ka mid noqonaya xaafadaha degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, waxaana mashruucan uu ka kooban yahay in ka badan 1,200 oo guri.

Xaafadda looga dhawaaqay hirgelinta mashruucan cusub ayaa laga sheegay in dhismayaaashan ay isugu jiraa deegaan, ganacsi, masaajidyo, kuwo lagu nasto oo bilic iyo tayo heer sare ah ayaa waxaa maal-gelinayay ganacsato Soomaaliyeed.

Bandhigan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa mas'uuliyiin kala duwan oo uu ka mid ahaa gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Maxamuud Axmed Tarsan, guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed, Gabeyre, dad ajaaniib ah, maal-gashatayaal iyo ganacsato Soomaaliyeed.

Maamulka shirkadda dhul iyo guri Real Estate Ltd, Maxamed Cabdi Marteello oo ugu horreyn ka hadlay xafladda ayaa sheegay in dhismaha Jazeera Estate uu yahay mashruuc cusub oo ka faa'iideysan doonaan dhammaan shacabka Soomaaliyeed, isagoo xusay in dadka Soomaaliyeed ay maal-gashan karaan, isla markaana mashruucan uu u furan yahay cid kasta.

“Waa arrin u furan cid walba inay iska diiwaangeliso inay dhismayaasha ku sameysato maal-gashi,” ayuu yiri Marteello oo sheegay in qof walba uu ka heli doono wuxuu uu daneynayo.

Sidoo kale, Mateello wuxuu sheegay in mashruucan uu billaaban doono labo bil gudahood, isagoo xusay in dhismayaasha ay ka mid noqon doonaan kuwo hoteello ah, isla markaana dadka Soomaaliyeed ay iibsan karaan ayna kiro ku degi karaan.

Mas'uul u hadlay shirka Jazeera Estate ee fulin doonta mashruucan ayaa isna sheegay in dad badan ay shaqo ka heli doonaan, isla markaana uu qorshuhu yahay in la sameeyo dhismayaal laga hirgeliyo magaalada duleedkeeda lana furo si aan loogu ekaan magaalada gudaheeda, sida KM4 illaa Bakaaraha oo kale, wuxuuna intaas ku daray in magaaladu ay noqoto mid afar geesood ah.

David Park oo ah wakiilka shirkada African Skies oo ka qeyb-qaadanaysa dhismaha mashruucan ayaa sheegay in xaafadda Jazeera Estate ay tahay xaafad amnigeedu sugnaan doono lehna dhammaan adeegyada kale ee loo baahan yahay, isagoo intaas ku daray in xaafaddan ay tahay mid casri ah.

Sidoo kale, David wuxuu sheegay in dadka dibadaha ka yimaada ay iloobi doonaan meelaha ay ka yimaadeen haddii ay arkaan dhismayaasha laga hirgelinayo xaafadda cusub, wuxuuna tilmaamay inay dowladda ka heli doonto wixii xuquuq ah, hadii ay tahay wax canshuuro ah wuxuuna ugu baaqay in laga faa'iideysato mashruucan taariikhiga ah.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho oo isaguna ka hadlay madasha ayaa sheegay in mashruucan uu yahay arrin shacabku u baahan yahay, fursado badan oo furanna ay jiraan, gaar ahaan maal-gashiga iyo dhismaha dalka laga sameeynayo, isagoo ugu baaqay qurba-joogta inay ku soo laabtaan dalkooda oo ay maal gashadaan.

“Dadka dibaddiisa kasoo laabanay waxay u baahan yihiin wax ka duwan wixii hore, waana wax lagu farxo dhismayaasha lasoo bandhigay ee Jaziira laga hir-gelinayo, waana kuwo la mid ah sida hoteelka Kempesky ee dalka Jabuuti ku yaalla,” ayuu yiri Tarsan.

Waxaa kaloo goobta ka hadlay, guddoomiyaha degmada Wadajir, Axmed Xasan Cadoow (Daaci) iyo guddoomiyaha rugta ganacsiga Soomaaliyeed  oo labaduba soo dhaweeyay mashruucan kuna tilmaamay mid wax tar weyn u leh shacabka Soomaaliyeed.

Dhismaha laga hirgelinayo deegaanka Jaziira ee duleedka Muqdisho oo u jira garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho 3-km, wuxuu ku fadhiyaa dhul dhan 730,000 Mitir oo laba jibaaran (73 hektar), deegaankan ayaa loo dhameystiri doonaa adeegyada guud ee nolosha sida biyo nadiif ah, koronto joogta ah, taleefoon, Internet IWM.

Haddii mashruucan la hirgeliyo wuxuu noqonayaa xaafaddii ugu horreysay oo leh nidaam iyo maamul u gaar ah oo si joogta ah uga shaqeeya sugidda amniga, maareynta goobaha danta guud, sida masaajidda, jidadka, goobaha caruurtu ku ciyaarto, beeraha lagu raaxeysto iyo nadaafadda.








Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya