4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 21, 2013
Shirkii Baarlamaanka Carabta oo lagu go’aamiyay in Dowladda Somalia laga Taageero howlaha dib loogu dhisayo dalka


Jimco, Juun 21, 2013 (HOL) — Shirkii baarlamaanka Carabta oo magaalada Qaahira ee xarunta dalka Masar lagu soo gabagabeeyay ayaa go’aannadii lagu gaaray waxaa ka mid ahaa in dowladda Soomaaliya laga taageero dhinaca dib u dhiska.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaaka Soomaaliya uguna jira Soomaaliya baarlamaanka Carabta oo ka mid ahaa xubnihii shirkaas ka qayb-galay ayaa sheegay in dalalka carabta ay go’aan ku gaareen in Soomaaliya la taageero.

“Go’aannadii kasoo baxay shirkii baarlamaanka Carabta ee saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay ka socday Qaahira waxaa ka mid ah in la taageero Soomaaliya, gaar ahaan dhinaca dib u dhiska,” ayuu yiri xildhibaanka oo ku sugan Qaahira.

Sidoo kale, xildhibaan Dalxa wuxuu sheegay in dalalka carabta ay si aad ah u soo dhaweeyeen isbedellada ka socda Soomaaliya, iyagoo ku ammaanay dowladda Soomaaliya inay kaalin mug leh ka qaadanayso dib u dhiska guud ee Soomaaliya.

“Mudanayaashii kulanka ka qaybgalay waxay dhammaantood hoosta ka xariiqeen in Soomaaliya la taageero, maadaama ay ka baxayso xilliyo ay ka jireen colaado sokeeye una baxayso xilli ka duwan xilliyadii hore,” ayuu ku daray hadalkiisa.

Dhanka kale, xildhibaanku wuxuu sheegay in shirkaas looga hadlay colaado ka jira dalalka Carabta qaarkood sida dalka Suuriya, iyagoo go’aamiyay in wax laga qabto dhibaatooyinkaas oo ah kuwo saameyn xooggan yeeshay.

Baarlamaanka Carabta ayaa saddexdii biloodba mar yeesha kulan uu kaga hadlayo xaaladaha ka taagan dalalka Carabta oo ay ku jirto Soomaaliya, iyadoo kulankan uu ahaa mid looga hadlay qalalaasaha dalalka Carabta ka jira iyo dib u soo kabashadooda.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya