4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 15, 2013
Madaxweynaha Soomaaliya oo khudbad ka jeediyay Shirka G8 ee London (SAWIRRO)

 
Sabti, June 15, 2013(HOL)—Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta kulan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha UK David Cameron, isla markaana ka qeybgalay xafladda dhalashada Boqortooyada UK, isla galabtanah khudbad ka jeediyey shirka hordhaca G8 oo looga hadlayey arrimaha canshuuraha, ganacsiga xorta ah iyo maamul wanaaga.

 

Madaxweynaha ayaa si gaar ah ugu mahadceliyey David Cameron sida uu arrimaha Soomaaliya door hoggaamineed uga qaatay. Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay xiriirka labada dal, horumarka ballaaran ee dhanka siyaasadda iyo amniga ee dalka Soomaaliya iyo sidi dalka dib loogu dhisi lahaa.

 

Madaxweynaha ayaa warbixin kooban ka siiyey David Cameron xaaladda dalka, shirkii Yokohama ee dalka Japan, qorsheyaasha dib u heshiisiinta dalka iyo sidii dowladda UK ay door muhiim ah uga qaadan laheyd shirka Brussels ee 16ka September 2013.

 


Madaxweynaha ayaa maanta ka mid ahaa madaxda caalamka ee ka qeybgalay xafladda Boqortooyada Ingiriiska Queen Elizabeth II oo ah markii ugu horreysey ee Madaxweyne Soomaaliyeed  lagu casuumo xafladan muhiimka ah oo muujineysa sida David Cameron uu ugu qanacsanyahay hoggaanka Mudane Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud iyo qorsheyaashiisa cad-cad ee Soomaaliya lagu gaarsiin lahaa nabad, bash-bash iyo barwaaqo.

 

Xafladda Boqortooyada ka dib, Madaxweynaha waxaa qado sharaf u sameeyey David Cameron iyo ku xigeenkiisa. Ka dibna Madaxweynaha iyo madaxda kale ee caalamka waxey ka qeybgaleen shirka hordhaca G8 oo lagu qabtay xarunta Lancaster House ee London oo Madaxweynaha uu halkaas khudbad taariikhi ah ka jeediyey. Shirkan ayaa looga hadlayey arrimaha Canshuuraha, Ganacsiga, iyo sidii kheyraadka looga ganacsado sida shidaalka loogu heli lahaa hab fur-furan oo kalsooni siin kara shacabka deegaanada kheyraadka leh, oo uu David Cameron oo ah Guddoomiyaha Sanadkan ee G8 uu aad u daneynayo oo go’aanada ka soo baxa shirkan uu la tagi doono shirka Madaxda G8 oo ka dhici doono Waqooyiga Ireland 17ka iyo 18ka June.

 


Madaxweynaha ayaa khudbadiisa ku sheegey in Soomaaliya maanta ay dhidibadda u aaseyso haykalkii dowladda oo ku dhisan maamul wanaag iyo in dhaqaalaha dalka loo sameeyey nidaam keeni kara kalsooni oo uu sheegay in shirkan G8-ka uu muhiim u yahay dalalka Soomaaliya oo kale oo ka soo kabanaya collaado una gudbaya nabad iyo horumar. Madaxwweynaha khudbadiisa waxuu ku sheegey in Soomaaliya ay diyaarisay shuruucdii lagu maamuli lahaa maalgashiga dalka iyo sidii kheyraadka dalka laga soo saaro loogu maamuli lahaa si fur-furan, isagoo uga mahadceliyey David Cameron sida uu caalamka hormuudka uga yahay arrimaha maamul wanaaga iyo horumarka oo Soomaaliyana ay ka faa’iideysan doonto khibradaha dalka UK.

 

Madaxweynaha iyo wafdigiisa oo uu ka mid yahay Wasiirka Maaliyadda Maxamud Xasan Suleebaan ayaa lagu wadaa inay 16ka Juun 2013 soo gabogabeyn doonaan safarkooda London.