4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 8 , 2013
Rug Ganacsi oo ay Leeyihiin Shaqsiyaad Somali ah oo laga Furay Magaalada Minnepolis ee Gobolka Minnesota (SAWIRRO)


Isniin, July 08, 2013 (HOL) — Rug ganacsi oo ay ku mideysan yihiin xubno isugu jira ganacsato iyo dad xirfadleyaal ah ayaa laga furay magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota oo halka ay ku nool Soomaalida ugu badan ee ku nool dalka Mareykanka, waxaana madashii xariga looga jarayay kasoo qeybgalay dad fara badan oo isugu jiray qeybaha bulshada, kuwaasoo qaarkood hadallo ay jeediyeen ku sheegay in fursaddaan ay ahayd mid loo baahnaa oo waqtigeedi ku soo beegantay.

Maxamuud Cabdiraxmaan Benebene, oo ah gudoomiyaha rugta ganacsiga Soomaalida Minnesota, oo faafaahinayey sababta ku dhalisay in ay rugtaan furaan, islamarkaana ay waqtigaan ku soo began, ayaa shegay in ay dareemeen baahin badan oo ay qabaan ganacsatada Soomaaliyeed ee ka howl-gasha gobolka Minnesota.

“Waxaan aaminsanahay in aan yeelano rug ganacsi oo aan ku mideysan nahay in ay tahay fursad noo suuragelinkarta in aan banaanka soo dhigno waxaa aan nahay iyo awoodda aan leenahay,” ayuu yiri Maxamuud Cabdiraxmaan Benebene oo ah gudoomiyaha xaruntaan.

Soomaalida ayaa waxaa inta badan lagu ammaana in ay yihiin dad fursado kala duwan ka abuura meelaha ay ku cusub yihiin ama ay dagaan, waxaana gobolka Minnesota ay Soomaalidu ku leedahay ganacsiyo xoogan, sida suuqyo ganacsi oo iyaga u gaar ah.

“Dadka dowladda ceyrta ka qaata ee gobolkaan ku nool waa nambar aad u yar, waxaana ka badan boqolaal goor dadka hantida leh iyo kuwa shaqeysta ee canshuur celinta sameeya, waana in aan taa muujinaa,” ayuu yiri Maxamuud Benebene.

Cabdiraxmaan Ciise Kaahin, oo ka mid ah ganacsatada gobolka Minnesota, islamarkaana ka qeyb ka ah dadka aas-aasay rugtaan, ayaa sheegay in shaqada ay qaban-doonaan ay ka mid tahay sidii la isku xiri-lahaa ganacsiga Soomaalida iyo kan bulshooyinka kale ee gobolka ku nool.

Busaad Imaan, waxaa ay ka mid tahay gabdhaha ganacsiga ku leh Minnesota, sidoo kalena qeybta ka ah aas-aaska rugtaan, waxaana ay sheegtay in markii ay Minnesota ka hirgelinaysay ganacsigeeda ay dhibaato baaxad leh kala kulantay sidii ay u heli-lahayd talo iyo warbixinno ku hagikara.

“Si aysan dhibtaasi oo kale aysan ula kulmin dadka doonaya in ay ganacsi bilaabaan ayaan waxaan isku deyeynaa in aan ka shaqeyno, oo rugtaan ay u noqoto meel ay ka soo doontaan talooyinka iyo sheekooyinka la xariira sidii ganacsigooda ay ku horumarin lahaayeen ama u bilaabi-lahaayeen,” ayey tiri Busaad Imaan.








Maxamed Faarax Talyaani, Hiiraan Online
[email protected]  
Minneapolis, Minnesota