4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 30, 2013
Ciidamada Itoobiya ee ku Sugan Gobollada Bay iyo Bakool oo dhaqdhaqaaq ciidan oo xoog leh ka billaabay Deegaanno kala duwan

Isniin, December 30, 2013 (HOL) — Ciidamada Itoobiya ee ku sugan qaybo ka mid ah gobollada Bay iyo Bakool ayaa deegaannadaas ka billaabay dhaq-dhaqaaqyo ciidan, iyadoo la sheegay in ciidammadan ay ku wajahan yihiin deegaannada ay Al-shabaab ka taliso.

Wararka ayaa sheegaya in ciidammo Itoobiyaan ah oo wata gaadiid dagaal ay kasoo gudbeen deegaanka Yeed ee Gobolka Bakool iyagoo ku wajahan degmada Rabdhuurre oo saldhig weyn ay ku leeyihiin Al-shabaab qiyaastii 90-km u jirta degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool.

Al-shabaab ayaa dhankeeda wadda dhaqdhaqaaqyo ay ciidammo badan ku geynayaan degmada Rabdhuurre si ay uga hortagaan weerarro dhinaca ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya kaga yimaada.

Degmada Rab-dhuurre ayaa waxay ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowalddu ay dhowr jeer weerareen, iyagoo ku guuleysan waayay inay ka qabsadaan Al-shabaab, lamina oga sida uu xaalku noqon doono hadda.

Sidoo kale, wararku waxay sheegayaan in ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa dalka Itoobiya ee horay ugu sugnaa degmada Ceelbarde ay iyana ku wajahan yihiin degmada Xudur ee xarunta gobolka Bay oo ay Al-shabaab gacanta kuu hayso kaddib markii ay si nabadgalyo ah kula wareegtay bishii Feberaayo ee sannadkan.

Ciidammo Itoobiyaan ah oo iyaguna ku sugan degmada Bardaale ee gobolka Bay ayaa waxay iyaguna billaabeen, iyagoo u ruuqaansaday wadada aadda degmada Waajid oo ka tirsan gobolka Bakool.

Inkastoo aysan ciidamada Itoobiya si rasmi ah ugu biirin howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa haddana waxaa dhaqdhaqaaqooda uu imaanayaa xilli uu afhayeenka AMISOM uu maalin ka hor sheegay in dhawaan gobollada dalka laga billaabi doono dhaqdhaqaaqyo ciidan oo lagu tagayo goobaha ay Al-shabaab ku sugan tahay dalka.

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Hailemariam Desaleng ayaa goor hore sheegay in ciidamadiisu ay ka mid noqonayaa howl-galka AMISOM si colaadaha lagula jiro Al-shabaab loo xoojiyo.

Hiiraan Online, Baydhabo