4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 30, 2013
Muwaadiniin Soomaaliyeed oo laga soo qaaday dalka Koonfurta Suudaan oo maanta laga soo dajiyay Garoonka Diyaaradah Muqdisho


Isniin, December 30, 2013 (HOL) — Muwaadiniin Soomaaliyeed oo tiradoodu ahayd 131  qof oo ka mid ahaa Soomaalidii ku xayirnaa magaalooyinka kala duwan ee dalka Koonfurta Suudaan oo ay dagaallo ka socdaan ayaa gellinkii dambe ee maanta laga soo dajiyay garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Soomaalidan ayaa waxaa ka muuqday farxad, kaddib markii ay diyaaradda kasoo dageen, waxaana qaarkood ay sheegeen inay ku faraxsan yihiin inay dalkooda dib ugu soo laabtaan iyo inuu Alle ka badbaadiyay colaadaha ka jira dalka Koonfurta Suudaan.

“Dadkii maanta loo duuliyay Soomaaliya waxay ahaayeen 131 qof oo gobollo kala duwan oo dalka Koonfurta Suudaan ka tirsan ku dhibaateynaa, waana markii ugu horreysay oo Soomaali laga qaado Koonfurta Suudaan,” ayuu yiri xoghayaha koowaad ee safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay Juba Shaafici Nuur Calas oo la hadlaya VOA-da.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maalin ka hor amar ku bixiyay in diyaarad loo diro dalka Koonfurta Suudaan si looga soo daad-gureeyo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xayiran dalkaas ay dagaallo xooggan ka socdaan.

“Waxaa jirta muwaadiniin kale oo Soomaaliyeed oo tiradoodu tahay 74-ruux oo ku sugan magaalo aysan weli gaarin hay’adaha samafalka, waxaana ku rajo weyn-nahay inaan dadkaa soo qaadno oo aan dalkooda hooyo dib ugu soo celinno iyagoo bad qaba, laakiin dadkii ku sugnaa magaalada Bor waa la soo qaaday dhammaantood,” ayuu xoghayaha mar kale yiri.

Dib u soo laabashada muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dalkaas ku sugnaa ayaa imaanaysa xilli ay madaxda dalalka IGAD ku hanjabayaan inay tallaabo qaadi doonaan haddii aan kama dambeys berry oo Salaaso ah aan la joojin xabbada ka dhacaysa Koonfurta Suudaan.

Maalmaha soo aaddan ayaa la filayaa in Soomaali kale oo laga soo qaado dalka Koonfurta Suudaan la keeno magaalada Muqdisho, iyadoo inta la hubo lix qof oo Soomaali ah ay ku dhinteen colaadaha ka taagan dalka Koonfurta Suudaan, kuwo kalena la dhaawacay, halka in ka badan boqol ganacsato Soomaaliyeed ahna lagu boobay hantidooda.

Wasiiradda arrimaha dibadda Soomaaliya, Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan oo booqasho ku tagtay dhawaan dalka Koonfurta Suudaan ayaa sheegtay inay ku xayiran yihiin dalkaas 10,000 oo qof oo Soomaali ah, waxayna xustay in la soo qaadayo dadka doonaya inay dalkooda kusoo laabtaan oo keliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya