4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 30, 2013
Australia oo lagu soo Gaba-gabeeyay Ciyaaraha Kubadda Cagta oo Sannad Walba ay ku Tartamaan Kooxo kala duwan (SAWIRRO)


Isniin, December 30, 2013 (HOL) — Maalintii shalay ahay waxaa lagu soo gaba-gabeeyay magaalada Melbourne ee dalka Australia ciyaarihii sannadlaha ahaa ee kubadda cagta oo dhexmari jiray  kooxaha ka kala socda guud ahaa qaaradda Australia.

Ciyaarahan oo billowday 21-kii bishan ayaa socday illaa 29-kii bishan oo shalay ku beegnayd, waxaana ku tartamayay siddeed kooxood oo ka socoda Melbourne iyo 6 ka timid gobolada kale ee dalka. Sidoo kale laba kooxood oo iyagu ka yimid dalka New Zealand ayaa ka qaybgalay ciyaarahan, iyadoo ay lix kooxood ahaayeen kooxaha ay u ciyaarayeen ciyaaryahannada da’doodu ka yar tahay 18-sano.

Group A: Reservoir, Adelaide 1, Maribyrnong, Banyule
Group B: Carlton, Brisbane, Dandenong, Kensington
Group C: North Melbourne/Flemington, Wellington (NZ), Braybrook, Gold Coast
Group D: Hamilton, Sydney, Broadmeadows, Adelaide 2

Kooxaha ciyaaryahahnnada da’doodu ka yar tahay 18-sano:

Group A: Collingwood, Oromo Youth, North Melbourne/Flemington,
Group B: Northern Stars, Fitzroy Lions, Reservoir.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO KALE


Ciyaarahan ayaa waxaa soo qaban qaabiya sannad walba (ASFA) Australia Somali Football Association oo guud ahaan ka kooban dhalliyaro Soomaali ah, iyadoo uu socday muddo afar sannadood ah. ASFA waxay qayb weyn ka tahay xiriirka ciyaaraha ee dalka Australia, door weyna waxay kaga jirtaa isku keenidda ummadda Soomaaliyeed iyo horumarinta isboortiga.

Koobkan loogu magic-daray ASFA oo aad loosoo abaabulo sannad walba ayaa lagu tilmaamay inuu yahay barnaamij isboorti kan ugu weyn ee ka dhacan Australia, gaar ahaan kuwa ay qabtaan Afrikaanka. Taasoo u soo jiiday sumcad weyn Soomaalida iyo dhallinyarada maamusha ciyaarahan.

Hadaba waxaa shalay galinkii dambe ciyaartii Final-ka ahayd wada ciyaaray kooxda North Melbourne/Flemington iyo kooxdii sannadkii hore qaaday ee Carlton. Waxaa garoonka ay ciyaartu ka dhacaysay kasoo buuxsamay rag, dumar, caruur iyo dad kale oo aad u fara badan oo kala taageersanaa labada kooxood ee ciyaaruhu dhex-marayeen, kuwaasoo watay durbaanno, boorar iyo wayxaabo kale oo ay taageeradooda ku muujinayeen, halka sidoo kalena ay ku dhawaaqayeen ereyo dhiirri-galin ah.

Axmed Diini oo ah madaxa ASFA ayaa ka hadlay doorka ciyaaruhu ka qaataan isku keenidda bulshada iyo fursad-u-sahalka dhallinyara doonaysa inay mustaqbal u ciyaaraan kooxo waaweyn.

Diini ayaa intaas ku daray in sannad walba ay ASFA kaxayso 20 dhallinyaro ah oo marba waddan u taga socdaal isboorti, dalalkaas oo ay ka mid yihiin Spain oo uu koox u hogaamiyay sannadiihii 2011 iyo 2012 iyo dalka Brazil oo sannadkan 2013 uu koox u hoggaamiyay. Mashruucan ayuu ku sheegay mid lagu tababbarayo laguna dhiirri-galinaya dhallinta yaryar lana tusayo inay hiigsan karaan hamigooda haddii ay dadaal muujiyaan.

Ciyaartii finalka ahay oo ahayd mid aad u xiiso badan ayay guushu ku raacday kooxda Noth Melbourne iyo Flemington (magacyada 2 xaafadood oo Soomaalidu aad ugu badan tahay) halkaa ay N Melbourne/Flemington kaga guuleysteen kooxda Carlton saddex gool iyo gool la’aan ama eber.




Ibraahim Baafo, Hiiraan Online
[email protected]
Melbourne, Australia

FG: Sawirrada waxaa qaaday, Madaale