4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 30, 2013
Liiska magacyada Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Puntland oo lagu wado in Caawa si Ramsi ah loo Shaaciyo

Isniin, December 30, 2013 (HOL) — War goor dhow kusoo dhacay warqabadka Hiiraan Online ayaa sheegaya in Guddiga Xallinta khilaafaadka iyo Ansixinta Xildhibaanada ee Puntland ay saacadaha soo socda shaacin doonaan liiska xildhibaanada cusub ee kamid noqon doona baarlamaanka Puntland.

Warbaahinta ayaa looga yeeray Xarunta Baarlamaanka Puntland ee Garoowe, halkaas oo maalmihii u dambeeyey Guddiga Ansixinta xildhibaanadu ay ku shaqeynayeen.

Baarlamaanka Puntland ayaa ka kooban 66 kursi, waxaana xusid mudan in guddiga ay lasoo xiriireen in ka badan 400 oo qof, kuwaas oo doonaya inay helaan kuraasta ay beelahoodu baarlamaanka ku leeyihiin.

Waxaa sidoo kale jira muran iyo is-qabqabsi ka dhex taagan beelaha qaar, murankaas oo intiisa badan salka ku haya xubnaha beelahaas uga mid noqon doona baarlamaanka.

Wixii warar ah oo kasoo kordha dib ayaan idiinka soo gudbin doonnaa…


Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya