4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 30, 2013
Murasharax Soomaali Ameerikan ah oo u markii ugu horreysay u Tartamaya Golaha Wakiillada Minnesota, Degmada 6OB (SAWIRRO)


Isniin, December 30, 2013 (HOL) — Madasha Brian Coyle Community Center ayaa lagu qabtay habeenkii Axadda xaflad lagu taageerayo Maxamed Nuur oo ah Somali-Ameerikaan u tartamaya jagada wakiillada Minnesota ee degmada 6OB.

Xafladdan ayaa waxaa kasoo qayb-galay culummo, caaqiliiin, salaaddiinta, aqoon-yahanno rag iyo dumar leh, dhallinyaro iyo waayeel, kuwaas oo u muujiyay murashaxa Soomaaliga ah taageero ballaaran maadaama uu u tartamayo jagada ugu sarreysa ee golaha duqowda, isagoo noqonaya ruuxii Soomaaliga ahaa ee ugu horreeyay ee xilkan u tartama.

Dhammaan xubnaha bulshada ee goobta ka hadlay rag iyo dumar, yar iyo weynba waxay ku nuux-nuuxsadeen in Maxamed Nuur uu yahay musharrax innaga mid ah oo u qalma jagadaas, isla markaasna kula dardaarmay inuu xoojiyo midnimadda ummadda Soomaaliyeed iyo ummmadaha ay la nool yihiin.

Qobobbada ugu waaweyn ee laga hadlay xafladda ayaa waxaa ka mid ahaa in loo baahan yahay dad innaga mid ah inay u tartamayaan jagooyinka kala duwan ee heer magaalo, gobol iyo mid federaaliga ah, si Soomaalidu ay uga dhex-muuuqato bulshooyinka ku nool Maerykanka, sidoo kalena ubadkeenna aan u horseedno mustaqbal wanaagsan.

Midda ugu weyn ee ummaddii kala duwanayd ee madasha ka hadashay ay xuseen ayaa ahayd in la xeeriyo midnimadda iyo dhaqankeenna, sidoo kale si aan turxaan lahayn oo wanaagsan aan ula dhaqanno ummadaha aan la deggan nahay, isla markaasna aan ka qayb-qaadanno jagooyinka kala duwan ee dalkani looga tartamo.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

Qodobbada ugu waaweyn ee xafladda ayaa ahayd:

1. U ololayn ololaha tartanka musharraxa
2. Nafti-hureyaal loo baahan yahay inay ka shaqeeyaan abaabulka iyo qaban-qaabada ololaha doorashada
3. In lagu taageero musharrax tabarrucaad la xiriira ololaha doorashada
4. Ka qayb-qaadashada xubnaha wufuudda doorashada (Delegates) isla markaasna laga qayb-qaato sidii loo wacyi-galin lahaa bulshada oo idil

Ugu dambayn, xafladda waxaa soo gaba-gabeeyay Maxmauud Nuur oo ugu horreyn u mahadceliyay dadkii xafladda ka qaybgalay, waxaana sidoo kale uu sheegay inuu ballanqaadayo inuu ummadda ugu adeegayo si sinnaan iyo gacaltooyo ku dheehan tahay.

Musharrax Maxamed Nuur ayaa kuu boorriyay Soomaalida inay si aan kala har lahayn ay ula shaqeeyaan sidii ay ula shaqeeyeen, Cabdi Warsame oo ah golaha deegaanka degmada Minneapolis ahna Soomaaligii ugu horreeyay ee loo doorto golaha deegaanka Minneapolis.

Qiyaasta xubnaha kasoo qayb galay xafladda ayaa lagu qiyaasay 700 qof oo noqonaya cadadkii ugu badnaa ee shir lagu qabto Brian Coyle Community Center ka qaybgala. Waxaana howsha xafladdan si is-daba-joog ah u waday C/raxmaan Aadan oo ka mid ah xubnaha ugu fir-fircoon Soomaalida ku nool gobolka Minnesota.

Siad Said Salah
[email protected]
Minneapolis, Minnesota