4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 30, 2013
Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo Howl-gal Wadajir ah ka fuliyay Magaalada Beledweyne (SAWIRRO)


Isniin, December 30, 2013 (HOL) — Howlgal si wada jir ah ay uga wada qeyb-qaateen ciidamada maamulka dowladda ee gobolka Hiiraan kuwa Jabuuti ee howlgalka midowgga Africa AMISOM, ayaa saacadihii hore ee maanta waxaa laga sameeyay xaafaddaha magaalada Beledweyne.

Saraakiisha ciidamada maamulka gobolka Hiiraan ayaa sheegay in howlgalka uu ahaa mid lagu sugayo ammniga guud ahaan magaalada, waxaana la arkayay ciidamada oo xaafaadaha qaar guryaha baaritaanno ku sameynaya.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cabdi Faarax Laqanyo oo ay wehliyaan saraakiil uu ka mid ahaa guddoomiyaha maxkamada ciidamada qalabka sida gobolka Hiiraan ayaa kormeeray sida uu howlgalku u socdo, waxaana ay ku soo wareegeen inta badan goobihii ay ciidamadu howlgalka ka sameynayeen.

“Ciidamada waxaa ay baaritaan ka sameeyeen inta badan xaafaddaha ay magaalada ka kooban tahay, ujeedada laga lahaa baaritaannada kaliya waxaa aheyd in ammniga lagu sugo ‘’ayuu yiri mid ka mid ah saraakiisha ciidamada maamulka gobolka.

Waxaa uu sheegay in ay ku soo qabteen  howlgalka maanta hub sharci darro ah iyo waliba dad la tuhusan yahay, wuxuuna intaa ku darray in baaritaanno lagu sameyn doono dadka la soo qabtay.

Guddoomiyaha maxkamada ciidamada qalabka sida ee gobolka Hiiraan Xusseen Cabdi Axmed Rooble ayaa maalintii shalay sheegay in aan lagu arki karin qof hubeysan oo aan sidan dareyska ciidamada, isagoo sheegay in cid kasta oo lagu qabto hub sharci darro ah maxkamad la soo taagi doono.

Ma’aha markii ugu horeysay oo sidan oo kale ciidamadu howlgal uga sameeyaan magaalada, laakiin waxaa la oran karaan taallabada ay qaadeen ciidamada waxaa ay ku soo beegantay xili maxkamada ciidamada qalabka sida amar ku bixisay in lala dagaallamo cid kasta oo si sharci darro ah u hubeysan.

Maalintii shalay ayeey aheyd markii ay maxkamada ciidamada qalabka sida xukun ku riday rag la sheegay in ay ka tirsanaayeen Al-shabaab oo la qabtay iyaga oo falal amaan darro ku guda jira.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya