4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 30, 2013
Horyaalka Kooxaha Kubadda cagta dalka Somalia oo dib u furmaya billowga Sannadka Cusub ee soo Socda 2014-ka


Isniin, December 30, 2013 (HOL) — Horyaalka kubadda cagta Soomaaliya ee NationLink Championship  ayaa dib u furmi doona maalinimada abacada ah ee soo socota  kuna beegan bilowga bisha Janaayo sanadka cusub ee 2014-ka, sidaa waxaa warbaahinta u xaqiijiyay xog-hayaha xirirka kubadda cagta Soomaaliyeed Cabdi-Qani Siciid Carab.

Sida ku cad jadwal hor-dhac u ah  kulamada la ciyaari doono ee horyaalka ayaa waxa kulanka ugu horeeya uu dhex-mari doonaa kooxaha kala ah Jeenyo United iyo Elman FC iyadoo ciyaaro kale oo adag  ay maalinimada khamiista ah isku arki doonaan naadiyada kala ah Heegan VS Savana.

Ciyaarahan oo horey u socday ayaa la hakiyay bishii November ka dib markii xulka Soomaaliya ay dalka Kenya u tageen ka qayb-galka koobka CECAFA ,waxaana tartanka uu dib uga bilaaban doonaa ciyaarta 8-aad oo ah halka markii hore  uu marayay.

“Jadwal sanadeedka 2013 ee xulka qaranka Soomaaliya wuxuu soo gaba-gaboobay muddo qiyaastii laba asbuuc ka badan laga joogo,laakiin guddiga fulinta xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta ayaa go’aamiyay in tartanka dib loo bilaabo  marka aan soo gaba-gabaynno shir sanadeedka xiriirka oo maanta Muqdisho ka furmaya’ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka ka soo baxay xafiiska xoghayaha.

Sidoo kale xoghayaha warkiisa ayaa lagu xusay in horyaalka uu ka sii xiisa badan yahay sidii hore maadaama garoonka Banaadir la dhigay cowska cagaaran ee loo yaqaan  (Artificial Turff) ,waxaana taas ay keentay in uu yeesho daawadayaal badan oo uga kala yimaada degmooyinka kala duwan ee magaalada Muqdisho.

“Maalin kasta garoonka waxaan ku aragnaa dhalinyaro fara badan oo FIFA iyo xiriirka kubadda cagta uga mahad-celinaya  howshan wayn ee la qabtay,“ ayaa mar kale  lagu xusay war-saxaafadeedka,waxaana lagu wadaa in ciyaarahan ay ku bilaaban doonaan si nabad ah sanadka cusub.

Ugu danbayn, maalinimada jimcada ah oo ku beegan seddexda bisha Janaayo waxaa iyana  is-arki doona kooxaha kala ah Banaadir Spors iyo kooxda Dekedda ,waana mid kamid ah kulamada adag ee la ciyaari doono bilowga horyaalka Soomaaliyeed ,iyadoo la rajaynayo in taageerayaal badan ay u soo daawasho tagaan.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]