4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 30, 2013
Guddiga Amniga Puntland oo ka Warbixiyay natiijada baaritaanka Rasaasitii dhawaan lagu furay gaariga Murashax C/daahir Yeey

Isniin, December 30, 2013 (HOL) —Guddiga Amniga ee Puntland ayaa ka warbixiyey xaaladda ammaan ee deegaanada Puntland iyo weliba baaritaan lagu waday dhacdo 22-dii bishan ka dhacday magaalada Garoowe, taas oo ahayd in xabbad lagu ridey gaari uu leeyahay Murashax C/daahir Maxamed Yey.

Qoraal kasoo baxay xafiiska Guddiga Amniga Puntland -xilliga doorashada- kaas oo nuqul kamid ihi uu soo gaaray Xaafiiska Hiiraan Online ee deegaanada Puntland, ayaa lagu sheegay in xaaladda ammaanku ay tahay mid aad u wanaagsan.

Waxaa sidoo kale qoraalka ku xusan natiijada kasoo baxday baaritaan lagu sameeyey xabad uu askari ka tirsan ciidamada dowladdu ku ridey gaariga Murashax C/daahir Yey, askariga falkaas geystey ayaa la sheegay inuu xiran yahay, islamarkaana baaritaan kaddib la ogaaday in arrintani ay ahayd mid aan siyaasad ku lug lahayn, haseyeeshee uu sababay sheki ciidamada iyo ilaalada murashaxa soo kala dhex galay.

War-saxaafadeedka kasoo baxay xafiiska Guddiga Amniga Puntland – xilliga doorashada- ayaa u qornaa sidan:

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya