4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 30, 2013
Khilaafka isimada Puntland oo weli taagan iyo isimo kale oo baaq hor leh ka soo saaray Maanta Magaalada Garoowe

Isniin, December 30, 2013 (HOL) — Weli waxaa taagan khilaafka u dhexeeya isimmada soo-jireenka ah ee Puntland, kaddib markii ay ku kala aragti duwanaadeen qaabka uu u shaqeynayo Guddiga Xallinta Khilaafaadka iyo Ansixinta Xildhibaanada.

Isimmada ayaa labadii maalmood ee ugu dambeeyey soo saaray baaqyo kala duwan, inkasta oo arrinta keliya ee muranka dhalisay ay tahay xilliga iyo qaabka loosoo bandhigayo xildhibaanada cusub ee kamid noqon doona baarlamaanka marka ay Guddiga Xallinta Khilaafaadka iyo Ansixintu soo gudbiyaan.

Hadaba iyadoo ay sidaas tahay, ayaa waxaa maanta baaq hor leh magaalada Garoowe si wadajir ah uga soo saaray saddex kamid ah isimmada soo jireenka ah, sida weynna looga tix geliyo deegaanada Puntland.

Baaqa saddexda isim ayaa u qornaa sidan:

Annaga oo ah Isimmada hoos ku xusan.

  1. Ugaas Xasan Ugaas Yaasiin
  2. Beeldaaje Cali Beeldaaje Faarax
  3. Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin                           
Waxaan ka xunahay khilaafka soo kala dhex-galay Isimada Puntland, waxaan u soo jeedinaynaa inay midoobaan wada-hadlaana si wadajir ah, soona afjaraan khilaafka u dhexeeya.·         

Waxaanu cadaynaynaa in aanu goob joog ka ahayn shirka ay isugu yimaadeen qaybo ka mid ah Isimada taariikhdu markay ahayd 29/12/2013 waxna aanu ka saxiixin anagu.·        

 Waxaanu soo jeedinaynaa inay dhacdo doorashadu xilligeedii loo asteeyey inay qabsoonto oo ah 8 janaayo 2014, lana aqbalo guddiga ansixinta xubnahabaarlamanka iyo xalinta khilaafaadka natiijada ka soo baxda.·         

Waxaan soo dhowaynaynaa heshiiskii ay wada gaareen madaxweynaha hadda xilka haya Dr. Cabdiraxmaan sheikh Maxamed Maxamuud Faroole iyo madaxweynihii hore mudane Gen. Maxamuud muuse Xirsi Cadde·         

Waxaan ugu baaqaynaa shacabka iyo ciidanka qalabka-sida ee Puntland inay amniga si wadajir ah uga shaqeeyaan.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya