4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 30, 2013
MURASHAXIINTA PUNTLAND: "Haddii wax ka xumaadaan doorashada waxaa Mas’uuliyaddeeda leh Maamulka Faroole”

Isniin, December 30, 2013 (HOL) — Murashaxiinta u taagan xilalka madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka ee ka qayb gelaya doorashada madaxtinimada Puntland ee bisha Janaayo ayaa go’aamo kasoo saaray kulammo magaalada Garoowe uga socdey 48-dii saac ee ugu dambeeyey.

Murashaxiinta oo soo saaray bayaan saddex qodob ka kooban, waxay sheegeen in haddii doorashada madaxtinimadu ay noqoto mid ku dhici weyda si xor ah, xalaal ah oo hufan ay taas mas’uuliyadeeda qaadayso dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole.

Bayaanka Murashaxiinta ayaa u qornaa sidan:


Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya