4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 30, 2013
Shaqaale Gargaar oo u shaqeynayay hay’ado Soomaali ah oo lagu Afduubay Deegaanka Taabto ee Gobolka Jubbada Hoose

Isniin, December 30, 2013 (HOL) — Maalintii Axada ahayd ee shalay oo ay taariikhdu ku beegnayd 29 /12/2013 ayay kooxo hubeysan oo heybtooda la garanayn waxay afduubteen shaqaale samafal oo ka shaqeynayay, Shabax, Taabto iyo Qooqaani .

Shaqaalahan oo tiradoodu ahayd shan ruux ayaa la sheegay inay kasoo baqooleyn  deegaanka Taabto iyagoo kusii jeeda degmada Dhoobleey ee gobolka Jubbada Hoose.

Wararka ayaa waxay intaas ku darayaan in in shaqaalahan la afduubtay uu ku jiro darawalkii gaariga u waday, waxayna shaqaalahan u shaqeynayeen hay’ado maxali ah oo lagu kala magacaabo Juba Foundation iyo Southern Aid.

Ma jirto cid sheegatay inay mas’uul ka tahay afduubkan iyo cid si gaar ah loogu eedeeyay, waxaase deegaannadaas mararka qaarkood weerarro kusoo qaada xoogagga Al-shabaab oo dagaal kula jira ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya