4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 30, 2013
Al-shabaab oo shacabka ku nool Muqdisho ugu baaqday inay ka Fogaadaan Saldhigyada Ciidamada iyo Xarumaha Dowladda

Isniin, December 30, 2013 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa shacabka Muqdisho ugu baaqday inay ka fogaadaan saldhiyada ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihiin Muqdisho iyo weliba xarumaha dowladda, iyagoo sheegtay inay goobahaas yihiin kuwa ay mar walba beegsanayaan.

Madaxa Al-shabaab ee gobolka Banaadir, Sheekh Cali Maxamed Xuseen oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in meel walba ay ku ugaarsan doonaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, isagoo u jeediyay shacabka inay ka cararaan baabuurta meelaha ay taagan yihiin iyo xarumahooda.

"Waxaa naga go’an inaan beegsanno ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, waxaan dadka ugu baaqaynaa inay ka fogaadaan baabuurtooda, saldhigyada ay ku sugan yihiin, xarumahooda iyo wasaaradaha dowladda,” ayuu yiri Sh. Cali Maxamed Xuseen.

Sidoo kale, mas’uulkan wuxuu sheegay in goobaha ay beegsanayaan ay ka mid yihiin maxkamadaha iyo xarumaha kale ee dowladda, isagoo xusay inay ka go’an tahay inay ku beegsadaan meel walba wuxuu ugu yeeray cadowga.

Sheekh Cali wuxuu hadalkiis ku daray in weeraro habeennadii lasoo dhaafay ka dhacay Muqdisho ay qasaare ku gaarsiiyeen ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya, isagoo tilmaamay in qaybo magaalada ka mid ah ay iyagu ka taliyaan habeenkii.

“Ciidamada AMISOM ee lasoo kordhinayo waxaa naga go’an inaan khasaare gaarsiinno, sida aan khasaare u gaarsiinnay kuwa hadda jooga. Shacabkana waxaan ugu baaqaynaa inay ka fogaadaan goobaha ay daggan yihiin iyo meel walba oo ay joogaan, si uusan khasaare uga soo gaarin weerarrada ay la beegsanayaan,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Hadalka mas’uulka Al-shabaab ee gobolka Banaadir ayaa imaanaya xilli uu ku dhawaaqay madaxweynaha dalka Jabuuti inay guuto cusub oo ciidammo ah u soo dirayaan Soomaaliya, si loo xoojiyo howgalka AMISOM.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya