4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 30, 2013
Kooxo hubeysan oo deegaanka Dhabbad ee gobolka Galguduud ku dilay mid ka mid ah Ganacsatada Degmada Caabudwaaq

Isniin, December 30, 2013 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa xalay deegaanka Dhabbad ee gobolka Galguduud ku dilay ganacsade ka mid ah ganacsatada waaweyn ee degmada Caabudwaaq, kaddib markii uu muran soo dhexgalay.

Dilka ganacsadaha oo dhacay 10:00 fiidnimo ee xalay ayaa la sheegay inuu doonayay inuu soo gudbiyo gaadiid alaabooyin ganacsi waday oo ka yimid degmada Boosaaso ee gobolka Bari, iyado kooxahan hubeysanna ay jidka u galeen.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in kooxaha hubeysan ay ganacsadaha dhintay oo magaciisa lagu soo koobay Shuuriye weydiisteen lacago baad ah, balse muran soo dhexgalay awgiis uu keenay inay rasaas ku furaan ganacsadaha iyo dad la socday.

Halka uu falkan ka dhacay ayaa waxaa sidoo kale ku dhaawacmay saddex ruux oo kale oo xalaaddoodu ay halis tahay, iyadoo kooxihii burcadda ahaa ay markiiba ka baxsadeen deegaanka Dhabbad.

Maamulka degmada Caabudwaaq oo goobta tagay ayaa sheegay in kooxihii dilka ganacsadaha iyo dhaawaca saddexda qof ee kale geystay ay galeen deegaannada Ismaamulka Soomaalida Itoobiya, ayna u direen maamulka taleefoonno ay ku dalbanayaan in lasoo qabto kooxahaas.

Ganacsadaha la dilay oo si weyn looga yaqaannay degmada Caabudwaaq ayaa lagu wadaa in maanta lagu aaso degmadaas, waxaana dadka degmada ku nool ay sheegeen inuu lahaa warshado iyo ganacsiyo kale oo fara badan.

Degmada Caabudwaaq ayaa waxaa gacanta ku haya maamulk Ahlusunna Waljamaaca iyo dowladda Soomaaliya, iyadoo tani ay qayb ka tahay dilal dhowr jeer oo hore loogu geystay degmadaas dhakhaatiir, ganacsato iyo waxgarad kale.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya