4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 28, 2013
AFHAYEENKA AMISOM: “Xilli Dhow Waxaa Gobollada Dalka ka billaabanaya Howlgallo, tirada AMISOM-na waa lasoo kordhinayaa”


Sabti, December 28, 2013 (HOL) — Afhayeenka ciidamada AMISOM, Col. Cali Aadan Xumad oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in dhawaan ay howlgallo ka billaabayaan guud ahaan gobollada Soomaaliya si ay u gaaraan deegaanno cusub.

Col. Xumad ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay saluugsan yihiin gaabiska ku yimid ciidanka AMISOM, balse goob walba oo ay AMISOM kaga sugan yihiin dalka waxaa dhawaan lagu arki doonaan dhaq-dhaqaaqyo.

“Haddii howgalka AMISOM ay Soomaalidu saluugsan tahay, waxaan maanta u sheegayaa in sida ugu dhaqsiyaha badan ay uga billaaban doonaan dalka oo dhan howlgallo, waxayna taasi u baahan tahay in shacabku ay si dhow ula shaqeeyaan ciidamada dowladda iyo kuwa Midowga Afrika,” ayuu yiri Col. Xumad.

Afhayeenka oo sii hadlaya ayaa sheegay in hal guuto oo ciidammo cusub ah oo ka socda dalka Jabuuti ay imaan doonaan gudaha dalka, si loo xoojiyo ciidamada AMISOM ee Soomaaliya ku sugan.

“Madaxtooyada Jabuuti ayaa ku dhawaaqday maanta inay guuto ciidammo dheeraad ah ay u soo dirayso Soomaaliya, si howlgalka loo xoojiyo, loona gaaro goobaha ay ku sugan yihiin kooxaha kasoo horjeeda dowladda,” ayuu mar kale yiri afhayeenka AMISOM.

Isagoo sii hadlaya ayuu sheegay in goobaha ay ku wajahan yihiin ay ka mid tahay degmada Buulo-burte ee gobolka Hiiraan, isagoo xusay in haddii uu ku dhawaaqay madaxweynaha Jabuuti in la tegi doono degmadaas ay diyaar u yihiin inay tagaan.

Degmada Buulo-burte oo ah degmada labaad ee ugu weyn gobolka Hiiraan ayaa waxaa gacanta ku haysa Al-shabaab, iyadoo horay ay ciidamada dalka Jabuuti ka socda ee Baladweyne ku sugan ay u sheegeen inay tegi doonaan, balse aysan ku guuleysan inay tagaan.

Afhayeenka AMISOM oo la weydiiyay su’aal ahayd sababta ay ciidamadooda u dhex-geli waayeen beelihii ku dagaalamay gobolka Shabeellada Hoose, maadaama ay kala dhexgaleen beelihii ku dagaalamay gobolka Hiiraan ayaa sheegay in marka aad farahto dagaalka socda aad kala dhex-geli doonto, balse meel aanad waxba ka ogeyn aadan waxba ka qaban karin.

Ugu dambeyn, afhayeenka ayaa sheegay dhawaanahan ay ku mashquulsan yihiin sugidda ammaanka magaalada Baladweyne ee gobolka Bay oo uu ka socdo shir lagu dhisayo maamul-goboleed ay dowladdu wax ka og-tahay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya