4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 27, 2013
Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya oo fal aad u fool xun ku tilmaamay qaraxii Maanta ka dhacay Degmada Dayniile


Jimco, December 27, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa cambaareeyay qarax maanta ka dhacay degmada Dayniile oo ay ku dhinteen 11 ruux oo askar iyo dad rayid ah isugu jiray, isagoo tacsi u diray dhammaan dadkii qaraxaas ku naf-waayay.

“Waa wax aad u fool xun dhaqanka ku saleysan daadinta dhiigga dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo u rajeeyay dhammaan dadkii ku dhaawacmay caafimad deg-deg ah.

Qaraxan ayaa ka dhacay maqaayad laga cunteeyo ku taalla xaafadda Bangala ee degmada Dayniile, iyadoo dadkii ku dhintay uu ku jiray sarkaal ciidamada dowladda ka tirsanaa iyo askar kale, iyadoo sidoo kalena ay ku dhinteen haween maqaayaddaas ka shaqeynayay.

“Kooxaha argagixisada ah ma sii jirayaan waqti dheer, maadaama afkaarta ay aaminsan yihiin ay tahay mid liddi ku ah diinta Islaamka, dhaqanka suubban ee Soomaaliyeed iyo damiirka bani’aadannimo,” ayuu hadalkiisa iu daray ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Sheekh.

Weerarkan ayay dowladda Soomaaliya ku eedeysay Al-shabaab, inkastoo ay kooxdan weli ka hadlin inay iyadu mas’uul ka tahay weerarkaas iyo in kale, waxaana qaraxa uu ahaa miino xalay la geliyay goobta sida ay sheegayaan dadka deegaanka.

Maqaayaddan ayaa waxaa fariisan jiray inta badan ciidamada dowladda iyo dadka shacabka ah, waxaana qaraxan uu ka dhacay intii aan la gaarin 12:00 duhurnimo ee maanta oo Jimco ah.

Guddoomiyaha degmada Dayniile, Xiireey Muxyadiin Cumar ayaa sheegay in dadkii lagu dilay qaraxa ay ku jireen afar askari iyo haween maqaayadda ku shaqeynaysayay, isagoo sheegay haweeneyda maqaayadda lahayd inay ahayd mid ka mid ah haweeney uu qabay askari ciidamada ka tirsan.

Degmada Dayniile ayaa waxaa maalin ka hor ka dhacday xaflad lagu furayay xarunta degmada maamulkaas si uu maamulku ugu shaqeeyo, iyadoo dadka degmadaas laga dalbaday inay dowladda kala shaqeyaan ammaanka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya