4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 26, 2013
Ra’iisul wasaaraha dalka Talyaaniga oo ballan-qaaday in wax laga qabanay dhibaatooyinka ay la kulmaan Qaxootiga


Khamiis, December 26, 2013 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha dalka Talyaaniga, Enrico Letta ayaa sheegay markii ugu horeyasay in isbadal lagu samayn doono habka loola dhaqmo qaxootiga soo galootiga ah ee wadankaasi inta badan gudaha u gala ka dib markii ay soo shaac baxday fadeexad ku aadan in la dhibaateeyo dadka halkaa doomaha ku soo gala.

“Waxaa lagu dadaali doonaa sidi kor loogu qaadi lahaa nolosha dadka halkan yimaada “ayuu yiri Enrico oo ka hadlayay qaxootiga sida joogta ah waqti kasta u yimaada Talyaaniga ,iyadoo  arintan ay soo dhaweeyeen qaar kamid ah hay’adaha xuquuqul-insaanka difaaca.

Sidoo kale raysul-wasaaraha ayaa sheegay in lacag gaaraysa 40 Milyan oo dollar ay ka heli doonaan Midowga Yurub si wax loogu qabto muhaajiriinta afrikaanka ah ee ku soo qul-qulaya wadankaasi ,isagoo inta ka dib ka digay qataraha safarka ay dadkan u soo galaan in ay yimaadaan Yurub.

Qaxooti gaaraya 360-qof oo ay ku jiraan Somali badan ayaa bishii Ocotobar waxaa lagu xareeyay jasiiradda koonfurta dalkaas ku taalla ee Lampedusa, waxaana la sheegay in qaarkood markii ay halkaa yimaadaan ay jirdil iyo handadaadba kala kulmaan ilaallada jasiiraddaas.

“Dowladduu waa in ay hormarisaa arimaha la xiriira qaxootiga soo galaya, waxaana ay ku xiran tahay sida aan u helno xogta dadka noo imaanaya,” ayuu hadalkiisa ku daray masuulkan oo xusay in labadii sano ee ugu danbaysay ay korortay tirada qaxootiga soo galaya Yurub,.

Telefishinka qaranka Talyaaniga ayaa asbuuci hore sii daayay muuqaal laga soo duubay qaxooti ku xaraysan xero ku taal  Lampedusa, kuwaasi xilli qabow daran uu jiro lagu buufinayay sun halis ah oo loogu talo-galay in ay cayayaanka disho.

Hadalka ka soo yeeray raysul-wasaaraha Talyaaniga ayaa la filayaa in uu wax k badallo habka loola dhaqmo Qaxootiga Afrikaanka ah ,waxaana ilaa sanadkii 2012-ka galay Talyaaniga qaxooti dhan 16,000 ruux oo u badan Itoobiyaan,Soomaali iyo Suuriyaan.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]