4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 25, 2013
Wafdigii Dowladdu u dirtay Gobolka Shabeellada Hoose oo Muqdisho ku soo laabtay sheegayna inay Isbaarooyin Qaadeen (SAWIRRO)


Arbaco, December 25, 2013 (HOL) — Wafdigii ay dowladda Soomaaliya u dirtay joojinta colaad beeleed dhawaan ka dhacday gobolkaas ayaa dib ugu soo laabtay Muqdisho, iyagoo sheegay inay ku guuleysteen inay dhammeeyaan khilaafkii sababay dagaalka.

Wasiirka gaashaandhigga xukuumaddii hore ee Soomaaliya, Cabdixakiin Maxamuud Xaaji Fiqi oo faahfaahin ka bixiyay wixii u qabsoomay ayaa u sheegay warbaahinta inay kusoo guuleysteen howshii loo xil-saaray ayna rajo wanaagsan ka qabaan inaanay mar kale ka dhicin gobolkaas dagaallo beeleedyo.

“Safarkeennii guul ayuu kusoo dhammaaday, waxaan ku guuleysannay in aan kala qaadno ciidammadii dagaalamay, goobihii lagu dagaalamayna aan geyno ciidammo isugu jira AMISOM iyo dowladda Soomaaliya si ay amniga u sugaan,” ayuu yiri Fiqi oo faahfaahinayay wixii u qabsoomay.

Xubnaha wafdigan oo isugu jiray wasiirro, xildhibaanno iyo odayaal dhaqan ayaa waxay socod ku mareen deegaannada Lambar 50, Jannaale, Shalaan-bood iyo deegaannadii kale oo lagu dagaalamay, iyagoo sheegay inay aad u soo dhaweeyeen shacabka howsha nabadeynta ah ee ay halkaas u tageen.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO FARA BADAN:

Mudane Cumar Maxamed Maxamuud (Cumar Finish) oo wafdiga ka mid ahaa ayaa isaguna hoosta ka xariiqay inay ku guuleysteen inay kala qaadaan gabi ahaan ciidamadii is-horfadhiyay, xaaladda gobolkana ay tahay mid aad iyo aad u wanaagsan.

Guddoomiyaha gobolka Shabeellada Hoose, C/qaadir Maxamed Nuur (Siidii) oo isna ka hadlay dhexdhexaadinta dhinacyadii ku dagaalamay gobolkaas ayaa sheegay in lagu guuleystay in la kala qaado, isagoo ammaanay guddigii ay dowladdu u dirtay gobolka Shabeellada Hoose.

Wafdiga ayaa xusay in intii ay ku sugnaayeen gobolka Shabeellada Hoose ay soo booqdeen guryo, goobo ganacsi iyo makiinado ay dad rayid ah lahaayeen oo dab la qabadsiiyay intii uu dagaalku socday.

Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sidoo kale xusay inay isbaarooyin dhowr ah oo yaallay gobolka Shabeellada Hoose yaallay qaadeen, isagoo ku goodiyay inay dagaal la geli doonaan cid walba oo isku dayda inay isbaarada dib ugu soo celiso gobolkaas.

Ugu dambeyn, wasiirka gaashaandhigga Somalia, C/xakiin Fiqi ayaa hadal uu warbaahiinta siiyay ku sheegay in dowladda Soomaaliya ay mar walba ka go’an tahay inay gacanta ku dhigto cid walba oo ammaanka dalka wax u dhinta.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya