4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 25, 2013
Telefishinnada ugu Caansan Kenya oo Hawada ka baxay Kaddib markii lagu soo rogay amar ah inay u guuraan habka Dijitaalka


Arbaco, December 25, 2013 (HOL) — Telefishinka ugu caansan Kenya ayaa hawada ka maqan maalintii saddexaad, kaddib markii maxkamadda sare ee dalkaas ay go’aan ku gaartay in loo bedelo habka ay telefishinnnadu ku baahiyaan muuqaalladooda oo markii hore Analog loona bedelo halka loo yaqaan dijitaalka ah oo casri ah.

Garsooraha maxkamadda sare ee dalka Kenya, David Majanja ayaa diiday codsi ay qorteen golaha warbaahinta Qaranka Kenya kaasoo ay ku dalbanayeen in dib loo dhigo arrintan la dul-dhigay telefshinnada dalkaas.

Maxkamadda sare ayaa go’aamisay inaan la aqbali doonin inay telefishinnada dalka Kenya ku yaalla ku shaqeeyaan habkii hore laga billaabo 23-ka bishan oo Isniintii ahayd, waxaana telefishinnada ay soo gudbinayaan qoraallo ay ku sheegayaan inay hawada ka maqnaan doonaan.

Saddexda telefishin ee Kenya ugu waaweyn ee kala ah: Nation TV, KTN iyo Citizen ayaa hawada ka maqan, iyadoo ay si caadi ah u shaqeynayaan laba telefishin oo kala ah midka ay dowladdu leedahay ee KBC iyo K24 oo ah mid gaar loo leeyahay.

Go’aanka maxkamadda sare ee dalka Kenya ayaa wuxuu soo afjarayaa muran ku saabsan arrintan oo muddo u dhexeeyay dowladda iyo warbaahinta gaarka loo leeyahay, iyadoo telefishinnada hawada ka maqan ay ku doodayaan in inta badan macaamiishooda aysan helin karin qalab casri ah oo wararkooda iyo barnaamijyadooda ay ku daawadaan.

Qareenka xarumaha warbaahinta Kenya Paul Muite ayaa sheegay inuu go’aanka ka qaadan doono maxkamadda uu rafcaan ka qaadan doono, si ay xal ugu helaan go’aanka oo uu ku sheegay mid lagu khasbayo.

Telefishinnada hawada ka maqan oo ah kuwa loogu jecel yahay dalka Kenya ayaa waxay jawaab uga dhigeen go’aanka maxkamadda kasoo baxay inay ka baxaan hawada, iyadoo aan la ogeyn sida uu go’aankan ku hirgeli karo.

Kenya oo ka mid ah dalalka Bariga Afrika ayaa waxaa ka howlgala xarumo warbaahinteed oo fara badan oo gaar loo leeyahay, iyadoo amarkan uu sameeyn doono telefishinnada kale ee ku shaqeeya habkii hore ee wax lagu baahin jiray.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya