4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 19, 2013
Wasiiradda Arrimaha Dibadda Somalia oo ugu ambabaxday dalka China sidii loo xoojin lahaa iskaashiga u dhexeeya labada Dal

Isniin, August 19, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya, Fawziyo Yuusuf Xaaji Aadan iyo wafdi ay hoggaamineyso ayaa maanta u ambabaxay magaalada Beijing ee dalka Shiinaha, kaddib martiqaad rasmi ah oo ay  ka heshay dowladda Shiinaha.

Wafdiga wasiirradda ayaa waxaa ka mid ah wasiir-u-dowlaha arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka, Mahdi Maxamuud Cali, wasiir ku xigeenka howlaha guud, dib u dhiska, gaadiidka badda, dekadaha iyo tamarta, Nadiifa Maxamed Cismaan iyo mas’uuliyiin kale.

Wasiiradda iyo wafdigeeda ayaa waxaa la qorsheynayaa inay kulammo la yeelato mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan dowladda Shiinaha, iyadoo kala hadli doonta qaabkii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo xiriirka wadaagga ah ee labada dal ka dhaxeeya .

Dowladaha Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa xiriirkoodu billowday muddo hadda laga joogo 500 sano, waxaana labada dal ka dhaxeeya xiriir ganacsi oo aad u qoto-dheer, iyadoo ganacsatada Soomaaliyeed ay dalkaas ka keensadaan ganacsiyo kala duwan.

Waxaa xusid mudan in dowladda Shiinaha ay Soomaaliya ka fulisay intii ay jirtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya mashaariic lagu dhisay waddooyin, garoommo cayaareed, isbitaallo iyo tiyaatarka Qaranka.

Dowladda Soomaaliya waxay horumarinaysaa, ayna xoojineysaa xiriirka ay la leedahay calaamka, gaar ahaan mid ganacsi iyo iskaashi ee kala dhaxeeya dowlado ay ugu horreyso Shiinaha.

Waxaa lagu wadaa wasiiraddu inay la kulanto madaxweynaha dalka Shiinaha Xi Jinping (Shii Jiin Biing) iyo xukuumadiisa, si dib loogu soo celiyo xirirkii ku qotomay maal-gashiga iyo midka horumarinta ee Shiinuhu fulin jiray dalka Soomaaliya, lana suura-geliyo in shirkadaha Shiinaha ay maal-gashi toos ah ay ku sameeyaan Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya