4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 18, 2013
Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Arimaha Soomaaliya oo ka hadlay Eedeynta kufsi ee ka dhacay Xerada AMISOM


Axad, August 18, 2013 (HOL) — Ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobayu qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Nicholas Kay ayaa walaac kulul ka muujiyay eedeyn ku aaddan kufsi ka dhacay xero militeri oo ay leeyihiin AMISOM. Isagoo xusay inuu soo dhaweynayo go’aaanka ay qaateen dowladda Somalia iyo AMISOM ee ay ku sameyeeyeen guddi baara eedeymaha.

“Waxaa muhim ah in baaritaanku uu noqdo mid qoto-dheer oo deg-deg ah. Waxaan ku faraxsanahay siyaasadda madaxweynaha Soomaaliya ee ah in aan marna loo adkeysanin kufsiga,” ayuu yiri Nicholas Kay.

Isagoo sii hadlaya ayaa wuxuu yiriL “Haddii uu jiro kiis ama dacwad dhab ah ee u baahan in laga jawaabo waa in dambiilaha la horgeeyo maxkamad oo lala xisaabtamo; iyadoo xuquuqda asaasiga ahna la ilaalinayo.”

Ergayga wuxuu sheegay in kufsiga ama dhibaatada loo geysto haweenka ee ka dhaca Soomaaliya waa mid ka mid ah dhibaatooyinka ugu halista badan waana caqabadaha deg-degga ah ee haysta xuquuqda bani’aadamka isla markaana hortaagan dowladda iyo dadka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in xafiiska UNSOM howlaha loo dhisay ay ka mid yihiin inuu horumariyo dhowridda iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo ku dhaqanka sharciga, gaar ahaan markay timaaddo dhibaatada loo geysto haweenka ama kufsiga.

“Xafiiska UNSOM wuxuu horumarinayaa in si fudud lagu gaaro caddaaladda, kormeeridda iyo warbixin ka gudbinta xad-gudubyada xuquuqda aadanaha ee ka dhaca Soomaaliya,” ayuu yiri ergayga UN-ka ee arrimaha Soomaaliya.

Ugu dambeyn, ergaygu wuxuu sheegay inay dadaalladooda ay ka mid yihiin tababarro loo fidiyo ciidamada AMISOM intaan dalka la keenin, kaasoo uu ka mid noqon doono mid la xiriira xuquuqda aadanaha, sharciga caalamiga ee dagaallada, bani’aadanimada iyo sharciga qaxootiga.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya