4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 17, 2013
Hay’adda Somali Relief oo Deeq gaarsiisay 300-qoysas oo ku nool Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellada Hoose (SAWIRRO)


Sabti, August 17, 2013 (HOL) — Hay’adda Somali Relief Networ of North America oo fadhigeedu yahay magaalada Toronto ee dalka Canada ayaa waxay deeq raashin ah u qaybisay 300-qoys oo ku nool degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose.

Deeqdan oo ahayd mid ay iska soo ururiyeen jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Toronto ayaa timid kaddib markii ay ka war-heleen xaaladda ay ku nool qoysaskan deeqda loo qaybiyay.

“Gargaarkan waxaa loo qaybiyay qoysas dan-yar ah oo ku nool degmada Afgooye, waxaana dadkaas la isugu keenay xarunta loogu talogalya in lagu siiyo gargaarka,” ayuu yiri Ibraahim Maxamed Cabdullaahi oo ah madaxa hay’addan ee Soomaaliya.

Raashinka la qaybiyay oo ahaa bariis ayay mas’uuliyiinta haya’ddu waxay sheegeen inay ugu talogaleen inay qoysaskan ka dhigtaan mid ay karsadaan, iyagoo xusay in deeqo kale oo noocan oo kale ah ay lasoo gaari doonaan dadka ku nool Afgooye.

“Jaaliyadda Soomaliyeed  ee Toronto waxay deeqdan soo dhiibeen kaddib markii ay ka warheleen xaaladda ay ku sugan yihiin dadka danyarta ah ee ku nool dagmada Afgooye,” ayuu Ibraahim Maxamed hadalkiisa ku daray.

Sidoo kale, waxaa goobta ka hadlay qaar ka mid ah dadkii deeq raashinka ah loo qaybiyay, kuwaasoo u mahadceliyay dadkii Soomaaliyeed ee deeqda soo ururiyay, iyagoo jaaliyadda ka dalbaday inay mar kale soo caawiyaan.

Degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose ayaa waxay 30-km kaga beegan Muqdisho dhinaca Koonfureed, waxaana ay ka mid tahay dhowrkii degmo ee sannadkii hore lagala wareegay Al-shabaab.




Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya